Sergio Ramos Oo Maamulka Kooxdiisa Real Madrid U Tilmaamay LIXDA Ciyaartoy Ee Ay Tahay In La Iibiyo Iyo Magacyo Layaab Kugu Noqon Kara Oo Ku Jira.

Madax waynaha Real Madrid ee Florentino Perez ayaa dhawaan go’aan ku gaadhay in uu Zinedine Zidane ku soo celiyay waxayna taasi keentay in hadda si wayn loo hadal hayo in isbadal dhamaystirani uu ka dhici doono Santiago Bernabeu marka uu xili ciyaareedkani soo dhamaado.

Laakiin kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos oo ka mid ah shaqsiyaadka ugu saamaynta badan kooxda kowaad ayaa lix ciyaartoy u calaamadiyay in laga diro Santiago Bernabeu dhamaadka xili ciyaareedkan waxaana ku jira dhawr magac oo layaab ah.

Warar laga helay dalka Spain ayaa sheegaya in Sergio Ramos uu ugu horayn doonayo in Real Madrid ay iska iibiso difaaca bidix ee Marcelo kaas oo xili ciyaareedkan dhibaato wayn ku soo dhex jiray isla markaana booskiisa u lumiyay da’yarka qaab ciyaareedka fiican sameeyay ee Sergio Regiulon.

Laakiin waxaa layaab noqotay in Sergio Ramos uu doonayo in Toni Kroos iyo Casemiro laga diro kooxda maadaama oo ay xaalad xun ku soo jireen xili ciyaareedkan waxaana sidoo kale soo baxay in Zidane laftiisu uu diyaar u yahay in uu Casemiro iibiyo isla markaana uu badalkiisa ka dhigto N’Golo Kante oo Chelsea ka tirsan.

In Sergio Ramos uu doonayo bixitaanka Toni Kroos iyo Casemiro ayaa ah mid jamaahiir badan layaab ku noqon karta maadaama oo ay ahaayeen xidigo waqtigii hore ee Zidane aad kooxda muhiim ugu ahaa, ilaa hadda lama oga haddii uu Zidane aqbali karo in Toni Kroos loo ogolaado in uu bixi karo.

Xidiga afraad ee uu Sergio Ramos doonayo in aanu Madrid sii joogi ayaa ah Gareth Bale kaas oo loo arko xidigaha uu Florentino Perez lacagta badan ka samayn karo si uu maalgalinta uu Zidane doonayo u wada heli karo, wuxuuna Ramos doonayaa in Bale uu ka mid noqdo xidigaha baxaya.

Labada xidig ee kale ee uu kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos doonayo in la iibiyo ayaa kala ah Isco oo xaalad xun kooxda ku soo qaatay iyo waliba Mariano Diaz oo soo laabashadiisii Bernabeu ay fashil markale noqotay.

Lixdan xidigan ayuu Sergio Ramos doonayaa in laga diro Madrid sida ay sheegayaan warar laga helayo dalka Spain balse waxaa la aaminsan yahay in liiska ciyaartoyda la diri doonaa uu intan ka badnaan doono waxaana ku jira Dani Ceballos, Vallejo iyo xidigo kale.