Sergio Ramos Oo Maamulka Kooxdiisa Ka Diiday Rabitaanka Neymar Jr Iyo Saddex Xidig Oo Uu U Sheegay In Ay Bernabeu Keenaan.

Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa ka mid ah ciyaartoyda ugu saamaynta badan qolka labiska Los Blancos wuxuuna sidoo kale caan ku yahay in uu si toos ah maamulka kooxdiisa ugu sheego fikradiisa gaarka ah iyo waxa ay la tahay marka wax laga waydiiyo qorshayaasha ay kooxdoodu doonayso in ay fuliso waqtiga la joogo ama mustaqbalka soo socda.

Waxaa soo baxay war sheegaya in Sergio Ramos uu maamulka kooxdiisa ka diiday rabitaanka ay waqtiga dheer ku doonayeen in ay PSG kala soo wareegto xidiga reer Brazil ee Neymar Jr, laakiin Ramos ayaa maamulka kooxdiisa u sheegay in ayna Neymar Jr la soo wareegin wuxuuna u tilmaamay saddex ciyaartoy oo uu aaminsan yahay in ay Bernabeu saamayn wayn ku yeelan karaan.

Madax waynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez ayaa sanado badan doonayay in uu Neymar Jr la soo wareego isaga oo xataa tijaabo ku mariyay Santiago Bernabeu isla markaana uu Neymar Jr waqti ku soo qaatay kooxda da’yarta Real Madrid laakiin Perez ayaan ilaa hadda ka quusan in uu Neymar maalin uun keeno Madrid.

Laakiin sida ay sheegayaan warar dalka Spain laga helayaa, Sergio Ramos ayaa maamulka kooxdiisa Real Madrid u sheegay in ay la soo saxiixdaan saddexda ciyaartoy ee kala ah Harry Kane, Eden Hazard iyo Kylian Mbappe halkii ay Neymar Jr ka soo bixin lahaayeen lacag waali ah.

Harry Kane, Eden Hazard iyo Mbappe ayaa dhamaantood ka mid ah ciyaartoy waqtiyo kala duwan lala soo xidhiidhinayay Real Madrid iyada oo waliba Hazard uu hadda yahay kan ugu hadal haynta badan ee ay suurtogalka tahay in ay Madrid dalab rasmi ah ka gudbin doonto dhamaadka xili ciyaareedkan.

Dhinaca kale Sergio Ramos ayaa maamulka kooxdiisa u sheegay ciyaartoyda kale ee ay tahay in ay la soo saxiixdaan haddii ay kooxda xoojin u samaynayaan waxaana liiskan ku jira xidigaha kala ah Eder Militao, Mario Hermoso, Paul Pogba, Christian Eriksen iyo Saul Neguez oo ka tirsan kooxda Atletico Madrid.

PSG ayaa Neymar Jr kula wareegtay €222 milyan yuro waana xidiga ilaa hadda aduunka ugu qaalisan isaga oo sidoo kale mushaar ahaan u qaata lacag 30 milyan ka badan sanadkiiba taas oo Real Madrid ku qasbi karta in ay lacagtii abid ugu badnayd markale ka bixiyaan haddii ay doonayaan saxiixa Neymar Jr.

Si kastaba ha ahaatee, Sergio Ramos ayaan taageerin qorshaha ay Madrid wali ku doonayaan saxiixa Neymar Jr wuxuuna ka door bidayaa Eden Hazard, Harry Kane iyo Mbappe inkasta oo ay dhamaan yihiin magacyo Madrid lala xidhiidhinayo.