Sergio Ramos Oo Ka Hadlay Ka Fariisashada Gianluigi Buffon Ee Ciyaaraha Caalamiga Ah, Kadib Markii Uu Xulka Italy Isaga Hadhay Koobka Aduunka 2018.

Kabtanka xulk Qaranka Spain iyo Kooxda Real Madrid Sergio Ramos ayaa wuxuu fariin qiiro badan uu u diray goolhaayaha kooxda Juventus Gianluigi Buffon, kadib markii uu xulkiisa qaranka Italy uu habeenkii xalay ku fashilmay inuu kasoo gudbo dhigiisa Sweden si uu qeyb kaga koobka aduunka sanada 2018 ka dhici doono dalka Russia.

Gianluigi Buffon ayaa kulanka kadib si rasmi ah ugu dhawaaqay in gabi ahaanba uu ka fariistay ciyaarista kulamada caalamiga ah, kadib markii uu ku soo idlaaday kulankii ay Sweden kula qaateen garoonka San Siro, kaasoo kusoo idlaaday barbaro 0-0, taasoo ka dhigtay in xulka martida ahaa ay si toos ah ugu gudbaan koobka aduunka maadaama kulanka lugta hore ay kusoo adkaadeen 1-0.

Si kastaba kabtanka kooxda Real Madrid Sergio Ramos ayaa wuxuu kusoo qoray bartiisa “Twitter” isaga oo fariin u dirayay Gianluigi Buffon: “Koobka aduunka ayaa Kuu Xiisi doono Buffon, aad baan kuu taageeraa saaxiib, maxaad shaqsi aad iigu weyn tahay”.

39 jirka kooxda Juventus ayaa lagu tiriyaa inuu yahay laacibka kulamada ugu badan ee rasmi ah taariikhda u saftay xulka qaranka Italy, wuxuuna heystaa rikoodhka ah 174 kulan.

Comments

comments