Sergio Ramos Oo Difaacay Kooxdiisa Real Madrid, Kuna Dhawaaqay Inay Sameyn Doonaan Dib U Soo Laabasho Xoogan, Kadib Guuldaradii Tottenham.

Difaaca kooxda Real Madrid Sergio Ramos ayaa ka hadlay kadib guuldaradii weyneyd ee kasoo gaadhay kooxda ree England ee Tottenham kulankii Champions League-ga ay xalay ku booqdeen Wembley Stadium.

Kabtanka Los Blancos ayaa kala mideysnaa kooxdiisa habeenkii xumaa ay ku qaateen Wembley Stadium. Kadib cashirkii lama ilaawaanka ahaa ay u soo qoreen xidigaha Harry Kane iyo Dele Alli, laakiin wuxuu muujiyay sida uusan u ogolaan doonin inuu maqlo Real Madrid oo lagu dhaleeceenayo sababa la xidhiidha natiijo xumida soo wajahday kulamadii lasoo dehaafay wuxuuna yidhi: “Real Madrid waxay awoodaa inay dib ugu soo laabato booskeeda saxda ah, kuwa u maleeya in waqtigeeda uu soo idlaaday”.

Ramos ayaa hadalkiisa intaa raaciyay: “Waa sax in maalmihii lasoo dhaafay ay kooxdu ku guuldareysatay inay wax dhibco ah ay la timaado La Liga iyo Champions League-ga, laakiin si fiican ayaan u fahamsanahay waxa aan u sameyn karno xaalada ay kooxda ku jirto, waxaana kusoo laaban doonaa wadada guulaha xiliyada soo aadan”.

Difaaca ree Spain ayaa rumeysan in muhiimadu ay tahay in daganaan ay ka jirto gudaha kooxda gaar ahaan qolka labiska, xili ay jirto in Los Blancos ay ku gudi jirto waqti aad u adag wuxuuna yidhi: “Iyadoo aan ku dabaqeeno waayo aragnimadii aan soo maray sannado badan, isla markaana aan ka war qabno sida ay xaaladu tahay, hadana waxaan u arkaa in wali aan u tartami karno koobabka aan xili kastaa jecel nahay inaan ku guuleysano”.

Ugu dambeyn Ramos ayaa diiday inuu ku eedeeyo mid ka mid ah ciyaartoyda kooxdiisa natiijada kulankii Tottenham. “Waxaan sameynay waxyaabo aad u wanaagsan, lakiin waxa aan sameynay waa ay ku lumeen natiijo xumida uu kulanka kusoo idlaaday, ma ahan inaan ku eedeyno xidig ka tirsan kooxda, lakiin mar walba waxaan isku dayeynaa inaan sameyno waxa ugu wanaagsan”.

Comments

comments