Sergio Busquets Oo Ka Warbixiyay Furaha Guusha Kulanka Ay Kooxda Chelsea Kula Ciyaari Doonaan Wareega 16-ka Ee Tartanka UEFA Champions League-ga.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Barcelona Sergio Busquets ayaa ka hadlay kulanka xiisaha badan ee lawada sugayo ay kula ciyaari doonaan Talaadada soo aadan kooxda Chelsea lugta koowaad wareega 16-ka UEFA Champions League-ga, kaasoo ka dhici doono garoonka Stamford Bridge ee magaalada London.

Sergio Busquets ayaa wuxuu xaqiijiyay in qeybta dhexe ee garoonka laga go’aamin doono natiijada kulankan wuxuuna yidhi: “Furaha kulanka Chelsea wuxuu noqon doonaa khadka dhexe”.

Khadka dhexe kooxda Barcelona oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yidhi: “Inaad kahor timaado kooxda Chelsea ayaa ka dhigan kulan si xoogan loogu dagaalami doono khadha dhexe, sababtoo ah waxay ciyaartaa Blues saddex xidig ee dhexda ah iyo laba ciyaaryahan ee ah garbaha”.

Busquets oo ka hadlayay sida uu kulankan u adag yahay ayaa wuxuu yidhi: “Waxay ila tahay inuu noqon doono kulan si xoogan loogu dagaalamo, waxaan isku dayi doonaa inaan soo bandhigo inta ay awoodeenu tahay si aan Chelsea ciyaarta kaga xakameyno, sida ay iyagaba u doonayaan waxa aan dooneyno sidaas darteed wuxuu noqon doonaa kulan aad u xiiso badan”.

Xidiga reer Spain oo ka hadlayay sida uu Antonio Conte u badalay kooxda Chelsea ayaa wuxuu yidhi: “Imaatinka Antonio Conte ee Stamford Bridge wuxuu wax ka badalay qorsho ciyaareedka Chelsea, wuxuuna ka dhigay kooxd ka duwan tii aan lasoo ciyaarnay markii ugu dambeesay, sababtoo qorshaha Conte waa mid ka duwan qorsho ciyaareedkii hore ee Blues ee ku saleysnaa qaab difaaceed, wuxuuna dagaalka ugu xoogan ee kulan uu ka dhici doono khadka dhexe, balse waxaan isku dayi doonaa inaan xakameyno ciyaarta”.

Xidhiidhka uu la leeyahay qaar ka mid ah ciyaarta kooxda Chelsea ku sugan ayuu ka yidhi Sergio Busquets: “Wuxuu noqon doonaa kulan cajiib ah, gaar ahaan aniga, inaan kahor imaado Cesc Fabregas iyo xitaa in ka badan Pedro oo ay igaala dhexeyso saaxiibtinimo aad u xoogan”.

Busquets oo kasii hadlayay xidhiidhka labadan ciyaaryahan uu laleeyahay ayaa wuxuu yidhi: “Waxaan xidhiidh aad u wanaagsan la leeyahay xidigaha Cesc Fabregas iyo Pedro, waxaan u rajeenayaa guul, laakiin  uma rajeenayo kulankan, in badan ayaan wada sheekeysanaa balse kama hadalno arimo quseeya kubada cagta, hadii ay sidaas dhacdana waxaan ka hadalnaa kaliya arimo ku aadan xulka qaranka Spain”.

Xidiga reer Spain ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Waxaan inbadan ka ogaan doonaa kooxda aan la ciyaari doono iyo qaab ciyaareedkooda, muhiimada ayaa ah in aan dhalino goolal si aan guul ugala soo laabano  garoonka Stamford Bridge”.

1 Comment

Comments are closed.