Sergio Busquets Oo Carabka Ku Adkeeyay In Guulaha Real Madrid Ee Champions League Inuusan Ku Xidhnayn Nasiib, Sida Ay Aaminsan Yihiin Dadka Qaar Ka Mid Ahi.

Khadka dhexe kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Spain Sergio Busquets ayaa wuxuu tilmaamay in ku guuleysiga koobabka waaweyn sida Champions League, in ay u baahan tahay, isku xirnaan xoogan, lakiin isla waqtigaas wuxuu carabka ku adkeeyay in guulaha Real Madrid ee qaarada yurub aysan ku xirnayn nasiib oo kaliya, sida ay soo jeediyeen shaqsiyaad qaar.

Busquets ayaa wareysi dhinacyo badan taabanaya uu bixiyay wuxuu ku sheegay: “Marka aad ciyaareyso tartan weyn, waa inaad nasiib u heshaa mararka qaar, laakiin marka aad ku guuleysato seddex Champions League oo isku xiga, micnaheedu waa inaad sameyneyso wax sax ah, suuragalna ma ahan in dhamaantood ay noqdaan nasiib”.

Khadka dhexe reer Spain ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: “Waxa aan u baahannahay inaan fiirino waa kooxdeena, waa inaan weyneenaa guulaha aan gaarnay, labada koob ee aan ku guuleesanay waxay muujineysaa inaan qaadanay xili ciyaareed fiican, qof walba waxaa ku reeban xasuusta dhacdadii Roma, waxay ahayd xaalad aad u xun, waana wax ay waajib tahay in aysan markale nagu soo laaban”.

“Ma ahan wax sahlan in aan lumino Iniesta, lama buuxin karo booskiisa gudaha garoonka xitaa gudaha qolka labiskaa, lakiin tani waa sharciga nolosha, waxay horey ugu dhacday xidigaha Xavi Hernandez iyo Puyol”.

Busquets oo ka hadlay in ay muhiim tahay in Lionel Messi uu ku guuleysto koobka aduunka si uu qeyb kaga noqdo xidigaha ugu wanaagsan taariikhda Kubada cagta aduunka: “Messi uma baahna ku guuleysiga koobka aduunka si uu u xaqiijiyo inuu yahay kan ugu fiican, sababtoo ah xili kasta waa kan ugu fiican”.

Xidiga kooxda Barcelona ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay xulka uu u arko In sanadan uu ku guuleysan karo koobka aduunka: “Xulka ugu cad cad ee ku guuleysan kara sanadan koobka aduunka ee 2018 ka dhici doono dalka Russia waa Brazil, dabcan waxaa jira xulal babadan ee iyagana awood badan sida Germany, Argentina iyo France”.