Sergio Aguero Oo Si Daacadnimo Leh U Hadlay, Saaxiibkii Lionel Messi Oo Uu Ballon d’Or U Diiday Sanadkan & Cida Uu La Doonayo.

Weeraryahanka kooxda Manchester City iyo xulka qaranka Argentina ee Sergio Aguero ayaa u muuqday mid u warramay qaab caadifad la’aan ah markii wax laga weydiiyay cida uu aaminsan yahay inay u qalanto hanashada Ballon d’Or.

Aguero ayaa si dadban u diiday inuu abaalmarintan u rajeeyo Lionel Messi oo ay saaxiib dhaw yihiin ahna ciyaartoyga inta ugu badan haatan loo arko inuu hanan doono abaalmarintaas.

Cristiano Ronaldo oo tartanka ugu xoogan la gali lahaa Messi ayaa tartanka Champions League kaga hadhay wareegii siddeed dhammaadka isaga oo wadada u xaadhay in Leo uu ku dhawaado hanashada Ballon d’Or markiisii lixaad.

Messi ayaan ka faa’idaysan dhibaatada Ronaldo waxaana ay isaga iyo kooxdiisa Barcelona tartanka kaga hadheen gacmaha kooxda Liverpool iyaga oo waliba qaab niyad jableh tartanka ku macasalaameeyay.

Haddaba, Aguero oo meel iska dhigay saaxiibtinimada kala dhaxaysa Messi ayaa sheegay in shaqsiga ku guuleysanaya Ballon d’Or xilli ciyaareedkan uu noqdo mid gaadhay Final-ka Champions League taas oo la micno ah ciyaartoy ka tirsan Liverpool ama Tottenham.

Weeraryahanka ree Argentina ayaa yidhi isaga oo ka faaloonaya shaqsiga u qalma abaalmarinta xiddiga sanadka “Waxaan filayaa in Ballon d’Or ay noqoto Final-ka Champions League”

Xiddigaha haatan jooga Final-ka CL ayay kuwa ugu cad cad ee Messi ku cidhiidhin kara Ballon d’Or ay noqon karaa Virgil Van Dijk oo horeba loogu aqoonsaday xiddiga sanadka ee Premier League & Mohamed Salah iyo Sadio Mane oo doorka ugu weyn ku leh safka weerarka Liverpool.