Sergio Aguero Oo Shaaca Ka Qaaday Cida Uu Hadiyad Ahaan U Siin Doono Maaliyadii Uu Taariikhda Ku Sameeyay Kulankii Xalay Ee Napoli.

Weeraryahanka ree Argantina iyo kooxda Manchester City Sergio Aguero ayaa shaaca ka qaaday in hadiyad ahaan uu usiin doono maaliyadii uu ku noqday gool dhaliyaha ugu sareeya taariikhda kooxda ree England, wiilka uu awoowaha u yahay halyeeyga ree Argantina ee Diego Maradona.

Sergio Aguero ayaa dhaliyay goolkii 3aad ee kooxda Manchester City kulankii Champions League-ga ay xalay guushaa kaga gaadheen dhigooda ree talyaani ee Napoli, taasoo ka dhigtay inuu noqdo xidigii abid goolasha ugu badan ka soo dhaliyay taariikhda kooxda Manchester City. Xidiga ree Agentina ayaa magiciisa si buuxda ugu qoray taariikhda Sky Blues.

Hadaba dhaliyaha ree Argantina ayaa guushii taariikhiga ahayd uu gaadhay kadib wuxuu la hadlay saxaafada wuxuuna kaga war bixiyay cida uu hadiyad ahaan u siin doono maaliyada uu taariikhda kaga sameeyay kooxda Manchester City xili sidoo kale uu ka hadlay sida uu ugu farxsan yahay in kooxdiisa ay u gudubto wareega 16-ka kooxood.

“Aad ayaan u faraxsanahay, aad ayaan ugu mahadcelinayaa ciyaartoyda, shaqaalaha, taageerayaasha, iyo qof kasta oo igu garab taagnaa guushan aan gaadhay, sidoo kale waxaan ku faraxsanahay guushii aan ka gaadhnay Napoli iyo inaan u soo baxno wareega 16, waa inaan sii wadanaa guulaha aan gaadheyno”.

Aguero oo kaga war bixinayay saxaafada cida uu hadiyada ahaan u siin doono maaliyadii uu ku ciyaaray kulankii Napoli ayaa wuxuu yidhi: “waxaan siin doonaa wiilkeyga, sababtoo ah wuxuu iga dalbaday inaan hadiyad ahaan ugu geeyo”.

.

Comments

comments