Seefta Tababare Frank Lampard Oo Durtaba Shaqaynaysa & Xiddiga Ugu Horreeya Ee La Filayo Inay Qaado Oo Kamida Kuwa Ugu Khibrada Badan Chelsea.

Tababaraha kooxda Chelsea ee Frank Lampard ayaa durtaba u muuqda mid doonaya inuu Stamford Bridge ka dhisto koox mustaqbalka dhaw awood ku muujisa garoomada Yurub waxaana uu haatanba bilaabay kala shaandhaynta xiddigaha safkiisa.

Sida uu sheegayo wargeyska Calcio Mercato ee kasoo baxa dalka Talyaanigu, Xiddiga ugu horreeya ee la filayo inay la tagto seefta tababare Frankie ayaa noqonaya garabka kooxda ee Willian Borges oo kamida xiddigaha haatan ee kooxda kuwa ugu khibrada badan.

Image result for Willian Chelsea 2019

Marka laga yimaado wararka sheegaya in Chelsea ay doonayso inay heshiiskiisa gaadhsiiso ilaa 2021, 31 sano jirkan ayaaba Bridge ka hayaami kara badhtamaha xilli ciyaareedkan haatan soconaya.

Heshiiska uu xiddigii hore ee Shakhtar Donestk haatan kula joogo Blues ayaa ah mid dhici doona bisha June ee sanadka soo socda waxaana haatan kor u kacday fursada uu kooxda kaga baxayo bisha January.

Kooxda Juventus oo iyadu aad u danaysa ciyaartoyda heshiiskoodu ka dhacayo ee tayada wanaagsan leh ayaa la sheegayaa inay kamid tahay kooxaha ilaa haatan xiisaha u muujinaya Willian.

Caddaynta ugu weyn ee muujinaysa in Lampard uusan mustaqbal badan u haynin Willian ayaa ah inuu ilaa haatan 55 daqiiqo oo kaliya kooxda u matalay afarta kulan ee ay kasoo ciyaartay Premier League.

Ugu dambayn, Sababta uu Lampard u dirayo Willian ayaa lagu sheegay maadaama oo uu doonayo inuu kooxda ku haysto saf ciyaartoy ah oo da’ ahaan yar.