Seddex Arimood Oo Ku Seegay Intii Aad Daawaneysay Kulankii Ay Man United 4-0 Ku Garaacday Chelsea

Ka dib guushii weyneyd ee ay Manchester United ka gaartay Chelsea ee Old Trafford, hadal heynta ugu badan waxa ay ka noqotay ka hadalka kulankaas iyadoo kooxda Red Devils ay 4-0 ku dardartay kooxda Chelsea.

Frank Lampard ayay u aheyd bilow aad u xun iyadoo kulankiisii ugu horeysay ee Premier League ee isagoo tababare u ah Chelsea ay guuldarro ceeb ah ka soo gaartay kooxda ay xafiiltamaan ee United.

Hadaba waxaan eegeynaa seddex arimood oo laga yaabo inay seegeen intii uu socday kulanka Man United iyo Chelsea

Mourinho oo weeraray Ed Woodward

Jose Mourinho ayaa ku biiray khabiirada Sky Sports ee xilli ciyaareedkan falanqeynaya kulamada Premier League, waxaana uu si adag uga hadlay labadiisa kooxood ee hore.

SIDOO KALE AKHRISO:  RASMI: Barcelona Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday In Xidig Kale Oo Muhiim Ah Uu Dhaawac Halis Ahi Soo Gaadhay Iyo Valverde Oo Jaho Wareer Ku Dhacay.

Harry Maguire ayay Sky Sports u magacowday xiddiga garoonka iyadoo Mourinho uu ku tilmaamay inuu u adag yahay sida dhagaxii oo kale, waxaana uu Mourinho sheegay inuu si fiican u yaqaano daafaca dhexe madaama uu isku dayay inuu la soo wareego xagaagii hore markii uu joogay Old Trafford

Madaxa maamulka Man United Ed Woodward ayaana ka horjoogsaday Mourinho inuu xilli ciyaareedkii hore keensado Maguire. Waxayna taasi bilow u aheyd xiriirkii xumaa ee labada nin soo kala dhex galay. Mourinho oo ka hadlayay Maguire ayaa yiri: “Maguire aad ayuu u fiicnaa, Lindelof aad ayuu u fiicnaa, sida aan mar walba sheegi jiray Lindelof waxa uu noqon karaa xiddigaad u fiican marka ay iska garab ciyaaraan Maguire.”

SIDOO KALE AKHRISO:  Tababare Frank Lampard Oo Farxadii Ugu Weyneyd Dareemaya & LABA Ciyaartoy Oo Muhiimad Weyn U Leh Shaxda Chelsea Oo Dhaawac Kasoo Kabtay.

Taageerayaasha United oo boor ay ku qoran tahay #GlazersOut soo dulmariyay Old Trafford

Tan iyo markii April waxaa socday dhaqdhaqaaq dhanka internetka ah oo loogu magacdaray #GlazersOut kaasoo ay taageerayaasha Manchester United ku doonayeen in milkiilayaasha ay wax ka bedelaan qaab maamulkooda ama inay isaga tagaan kooxda.

Inta badan jamaahiirta kkooxda Man United ayaa aaminsan in qoyska Glazer inaysan United maalgashi fiican ku sameynin islamarkaana ay maamulka kooxda u dhiibeen Ed Woodward oo aan danta kooxda ka shaqeyneynin.

Gary Neville oo ka mid ah halyeeyada Man United ayaa ku tilmaamay taageerayaasha ololaha wada inay waxba soo kordhineynin, laakiin taasi kama aysan celinin taageerayaasha ay inay kireystaan diyaarad siday fariinta ah in milkiilayaasha ay kooxda isaga tagaan ka hor kulankii shalay ee Old Trafford.

SIDOO KALE AKHRISO:  Maamulka PSG Oo Dhinacooda Ka Tashaday, Bedelka Neymar JR Oo Ay Sii Calaamadsadeen & Kooxda Ay Weerarka Ku Qaadi Doonaan.

Chelsea ayaa dhan walba oo ciyaarta ah ku sareysay laakiin waxay seegeen tan ugu muhiimsaneyd

Natiijada ayaa ah tan ugu muhiimsan ee ciyaar walba inta kale waxba ma soo kordhiso, waana taas tan Chelsea ka maqneyd.

Chelsea waxa ay ku fiicneyd dhan walba oo xaqiiqooyinka weerarka ah kulankii shalay ee Old Trafford.

Kooxda Lampard iyadoo kaga fiicneyd kubad-heysashada (54% vs 46%), Darbooyinka (18 vs 11), darbooyinka goolka ku bartilmaameedsan (7 vs 5), Baasaska la saxay (442 vs 364) iyo koornooyinka (5 vs 3) marka loo eego United laakiin waa ay awoodi waayeen inay dhafaan David de Gea.