Saxiixa Cusub Ee Kooxda Liverpool Fabinho Oo Sheegay In Uu Kala Hadli Doono Da’ayarka Reer France Ee Kylian Mbappé Inuu Kula Soo Biiro Garoonka Anfield.

Saxiixa cusub ee kooxda Liverpool  ee reer Brazil Fabinho ayaa sheegay ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay heshiiska uu ku yimid garoonka Anfield si uu u difaaco maaliyada kooxda Reds laga bilaabo xili ciyaareedka cusub ee 2018/2019.

Laacibka reer Brazil ee Fabinho ayaa wareysi uu siiyay wargeyska “Telegraph” ee dalka England wuxuu kaga hadlay sida uu ugu faraxsan yahay imaatinkiisa kooxda Liverpool wuxuuna yidhi: “Liverpool waxay u muujisay Monaco xiisaha ay u qabto saxiixeyga, kadib waxay la hadleen wakiilkeyga, wax walbana u socdeen si dhaqso ah, marka aan ogaaday in Reds ay I xiiseeneyso”.

Fabinho ayaa hadalkiisa sii raaciyay ka hadlida da’ayarka Kylian Mbappé wuxuuna yidhi: “Waxa uu sameeyay  Kylian Mbappé labadii sano ee lasoo dhaafay ayaa ah waxaan la rumeysan Karin, waa xidig aad u wanaagsan wuxuuna mudan yahay in inaan ugu hambalyeeyo waxa uu sameeyay, hadii aan fursad ku helo waan sameyn doonaa”.

“Kylian Mbappé wuxuu ii soo diray fariin uu iigu hambalyeenayay ku biiristeyda kooxda Liverpool, laakiin waxaan ka xumahay inaan helin fursad aan ugu hambalyeeyo waxa uu ka sameeyay xulkiisa qaranka France koobka aduunka 2018”.

“Mbappé wuxuu ii sheegay inuu sii joogi doono PSG xilli ciyaareedkan, laakiin si tartiib ah ayaan isuguu dayi doonaa inaan ku qanciyo inuu u soo dhaqaaqo kooxda Liverpool”.

Si kastaba xidiga khadka dhexe reer Brazil Fabinho ayaa wuxuu sheegay in kooxdiisa Liverpool ay heysato awooda iyo tayo ku filan ay kula dagaalami karaan kooxda Manchester City ku guuleysiga horyaalka Premier League xili ciyaareedka soo aadan ee 2018/2019.

“Waxaan heysanaa koox fiican, waxaan u dagaalami karnaa horyaalka Premier League xili ciyaareedka soo aadan, waan ogahay inaan heysano ciyaaryahano waa weyn, tababare fiican iyo koox fiican”.

Fabinho ayaa hadalkiisa kusoo xidhay: “Sky Blues waa kooxda horyaalka, balse anagana waxaan bixinay qaab ciyaareed fiican xilli ciyaareedkii hore, laakiin waxaan sameyn doonaa dadaal kasta oo aan ugu guuleysan karno horyaalka Premier League”.