Saxiixa Cusub Ee Kooxda Liverpool Ee Alisson Becker Oo Daaha Ka Qaaday Farriin Qoraaleedkii Uu Ka Helay Mohamed Salah Kahor Intii Uusan U Saxiixin Reds.

Saxiixa cusub ee kooxda Liverpool Alisoon Becker ayaa daaha ka qaaday farriin qoraaleedkii uu ka helay saxiibkiisii hore ee Roma haatana ay Liverpool dib ugu midoobeen ee Mohamed Salah kaas oo ay mudo hal sano ah hore ugu soo wada qaateen horyaalka Talyaaniga.

Liverpool ayaa muujisay sida ay baahi ugu qabyto goolhaye heer sarre ah kaddib bandhigyada aan is dhaamin ee Loris Karius iyo Simon Mignolet oo labaduba ku fashilmay inay qanciyaan tababare Klopp iyo jamaahiirta kooxdaba, Reds ayaana ugu dambayn bangiga u jabisay goolhaye Alisson oo bandhigyo aan caadi ahayn kaga soo dhalaalay Roma xilli ciyaareedkii hore.

Haddaba Alisson ayaa sheegay in Salah uu ka helay farriin uu ku dhiiri galinayo isla markaana ugu sheegayo in wada hadalada labada kooxood meel fiican marayaan, Becker oo ka hadlaya qaabkay Salah u wada hadleen ayaa yidhi “Maanu lahayn xidhiidh sidaa u badan kaddib markii uu ka tagay Roma, Kaddib waxaanu kulanay kulankii aan iska soo hor jeednay ( Liverpool v Roma)”

“Shalay waxa uu isoo diray farriin isaga oo leh ‘Hey, Maxaad sugaysaa? Iyadoo wada hadaladii meel fiican marayaan’

kaddib toos ayaan ugu jawaabay anigoo leh ‘Is daji, Wadada ayaan kusoo jiraa'”

“Xaqiiqdii waan ku faraxsanahay inaan helo fursada aan isaga kaga garab ciyaarayo, Sida uu u yahay ciyaartoy weyn ayuu u leeyahay dabeecad fiican iyo shaqsiyad weyn taas oo ah waxa ugu muhiimsan, Inaan la joogo dadkan iyo ciyaartoydan fiican maalin ka maalin, Cajiib ayay ii tahay”