Saxeexa Cusub Ee Barcelona Frankie De Jong Oo Markii Ugu Horreysay Ka Hadlay Isbar-Bardhiga Lagula Sameeyo Xavi & Iniesta – Miyuu Soo Dhaweeyay Mise?

Da’yarka ree Holland ahna saxeexa cusub ee kooxda Barcelona ee Frankie De Jong ayaa markii ugu horreysay isaga oo xiddig Barca ah ka faalooday wararka la bar-bardhiga halyeeyada kooxdaas ee Xavi Hernandez iyo Andres Iniesta.

De Jong ayaa Barcelona heshiiska uu ugu soo biirayo dhammaystiray bishii January isaga oo 75 Milyan kaga soo wareegaya Ajax balse kooxdiisa cusub ayuu kaliya si rasmi ah ula bilaabanayaa xilli ciyaareedka cusub ee 2018-19.

Frankie ayaa xilli ciyaareedkii dhawaa wacdarro kusoo dhigay kooxda Ajax waxaana uu kula soo guuleystay laba koob oo maxali ah halka ay afar dhammaadka ka gaadheen Champions League.

Kaddib bandhigiisaa wanaagsanaa iyo inuu kusoo biiray Barcelona ayay ka dhasheen isbar-bardhigyo lagula samaynayo halyeeyada kooxda ee Xavi iyo Iniesta balse 22 jirkan ayaan jeclaysan wararkaas.

Frankie ayaa sheegay inuusan doonayn in lala bar-bardhigo xiddigahaas maadaama ay macquul tahay inuu cadaadis kaga dhasho isaga oo dhinaca kale Blaugrana ku sifeeyay koox ku haboon isaga.

“Ma doonayo in la ila bar-bardhigo ciyaartoydaas, Waa koox (Barcelona) ku haboon xiddig khad dhexe ah, Si wanaagsan ayay kubadda u hayaan, Waxay xakameeyaan ciyaarta aniga si wanaagsan ayay iigu haboon tahay” Ayuu yidhi De Jong.

Dhinaca kale De Jong oo wax laga weydiiyay ujeedooyinka uu leeyahay xilli ciyaareedka soo socda ee 2019-20 ayaa sheegay inuu doonayo ugu horreynba inuu kulamo badan ciyaaro.

“Waxaan doonayaa inaan ku bilawdo kulamada ugu badan, Dhammaan ciyaartoydu way doonayaan midaas, Tababarka ayaan ugu shaqayn doonaa sida ugu adag ee aan awoodo si aan u muujiyo waxa aan qaban karo kulamada.