Saxeexa Cusub Ee Barcelona Ee Frankie De Jong Oo Kulanka Champions League Ee Ajax v Real Madrid Ku Ciyaari Doona Dareenka Barca & Hadalada Uu Ka Yidhi Kulankaas.

Da’yarka kooxda Ajax ahna ciyaartoyga ay la saxeexatay kooxda Barcelona ee Frankie De Jong ayaa ah mid kulanka Ajax soo dhawayn doonto Real Madrid ee tartanka Champions League uu uga dareen duwanaan doono sidii markii labada dhinac la isku beegay.

Kaddib isku aadkii wareega 16-ka ee labada kooxood is waafajiyay ayay Barca la saxeexatay De Jong iyaga oo si rasmi ah ula wareegaya dhammaadka xilli ciyaareedka.

Da’yarkan oo ka hadlaya kulanka uu dhawaan kahor tagi doono kooxdan ay dhawaan cadawga noqon doonaan ayaa sheegay in Madrid ay tahay mida ugu cad cad balse waxa ay kooxdiisu samayn kartaa uu yahay inay tartanka talaabo talaabo hore ugu socoto.

SIDOO KALE AKHRISO:  WAR CUSUB: Donny Van De Beek Oo War Cusub Kasoo Saaray Fursada Uu Real Madrid Ugu Wareegayo Inta Ka Hadhay Suuqa Qaarada Yurub - Miyuu Ka Farxiyay Jamaahiirta Los Blancos?

Frankie ayaa isaga oo arrimahaas ka hadlaya yidhi “Real Madrid waa kuwa ugu cad cad waxaana ay kusoo guuleysteen afar kamid ah shantii Champions League ee ugu dambeeyay”

“Ma odhan doono waxaanu ku guuleysan doonaa koobka, Sababtoo ah dhammaan waxa aanu samayn karno ayaa ah inaan talaabo talaabo u socono, Kooxda naga soo hor jeeda waxay bilaabayaan inay si fiican u ciyaaraan sidoo kale laakiin  haddii aan nasiib leenahay isma dhiibi doono waan haysanaa fursada”

Haddiiba uu De Jong si wanaagsan u ciyaaro qaybna ka qaato in Ajax ay tartanka ka reebto Real Madrid waxa ay talaabo aad u wanaagsan ugu noqon doontaa dhinaca Barcelona jamaahiirta ayaana hubaashii isaga gacmo furan ugu soo dhawayn doona Camp Nou.