SAWIRRO: Xiddigaha Man United Oo Soo Gaadhay Xerada Tababarka Kahor Kulanka Liverpool, Miyay Martial & Lingard Soo Kabteen Oo Diyaar U Yihiin Ciyaarta Old Trafford?

Xiddigaha kooxda Manchester United ayaa kaddib guul weyn oo ay kasoo gaadheen dhigooda Chelsea kulan ka tirsan FA Cup markan diirada kusoo leexiyay Premier League iyo loolankooda afarta kaalmood ee ugu sarreeya iyaga oo Axada qaabilaya Liverpool.

Kooxda tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa kasoo kabatay guuldarradii toddobaadkii hore kasoo gaadhay PSG ee Champions League kaddib guushii Stamford Bridge oo u sahashay wareega siddeed dhammaadka FA Cup.

Haddaba, Iyadoo ay haatan maanka ku hayaan kulanka Liverpool ayay jamaahiirta Red Devils farxad ka helayaan xaalada xiddigahii dhaawaca kaga maqnaa ee Anthony Martial iyo Jesse Lingard.

Wargeyska Mirror ayaa dhawaan sheegay in dhaawacii muruqa ahaa ee labada xiddig kusoo gaadhay kulankii PSG uusan u halis badnayn sidii looga baqayay xaqiiqada warkaas ayaana ah mid haatan soo muuqanaysa.

Iyadoo ay saxaafadu sawirro ka qaaday xiddigaha Man United oo iska soo xaadirinaya xerada tababarka ee kooxda ayay kasoo muuqdeen Lingard iyo Martial iyadoo waliba xiddiga ree England uu bixiyay tilmaam lagu qiyaasay inuu diyaar yahay.

Si kastaba ha ahaatee, Soo laabashada xiddigahan ayaa kor u qaadis weyn u ah Solskjaer iyo kooxdiisa oo kulan miisaan culus qaabili doona wiilasha Jurgen Klopp galabnimada Axadda.

Halkan Kagga Boggo Sawirrada Xiddigaha Manchester United: