SAWIRRO: Sadio Mane Iyo Roberto Firmino Oo Buuqa Ka Abuuray Baraha Bulshada – Waa Maxay Sababtu?

Weeraryahannada Liverpool ee Sadio Mane iyo Roberto Firmino ayaa ka mid noqday shaqsiyaadkii aadka loo hadal hayay shalay markii ay kusoo laabteen tababarka, waxaana dadku ay falan-qaynayeen sida ay isku soo beddeleen muddadii ay karantiilka ugu jireen caabuqa Korona ee ay guryahooda ku xaraysnaayeen.

Taageereyaasha Liverpool ayaa dacaayado ka dhigay sawirradii laga qaaday Sadio Mane iyo Roberto Firmino, waxaana in badan la dhex-wareejiyey baraha bulshada, gaar ahaan Twitterka.

Laacibka reer Senegal ee Sadio Mane ayaa waxa uu lasoo laabtay Arbacadii timo isku-siman oo adag oo aan hore looga barannin, waxaana soo baxday bidaartii ay asturi jireen timaha yaryar.

Wajiga weyn ee uu yeeshay, timaha adag ee ka dambeeya iyo bidaartiisa ayaa dad badan u ahayd wax ay ka riwaayadsadaan shalay, laakiin kalidii muu ahayn ee saaxiibkii Roberto Firmino ayaa isagana sidaas oo kale muuqaalkiisu u dhex socday baraha bulshada.

Xarunta tababarka ee Melwood ayuu xiddiga reer Brazil yimid isaga oo aanay ku oollin timihii uu lahaa waqtigii ciyaaraha la joojiyey. Qaabkii uu timaha u jaran jiray ama u xiiran jiray ayaa laga waayey, sidoo kalena timihii dheeraa ee dib u xidhnaa ee u samayn jiray muuqaalka Asian-ka ayaan madaxiisa ku oollin, waxaana lagu arkay muuqaal ka beddelan intaas oo dhan oo ahaa madax timo badan ku yaallaan oo aan si fiican u xiirnayn, iskuna siman.

Dadka qaar ayaa waxay Twitterka ku barbar-dhigeen shaqsiyaad kale oo timaha deystay.

Daawo sawirrada

 

 

 

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook