SAWIRRO: Real Madrid Oo Soo Bandhigtay Maaliyad Cusub Oo Aanay Ciyaartoygeedu Weligood Xidhan Doonin, Qiimaha La Siinayo Iyo Halka Loo Isticmaalayo

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa soo bandhigtay maaliyad cusub oo jamaahiirteedu ka heli doonaan dukaamada balse aanay ciyaartoygeedu weligood xidhan doonin.

Shirkadda Jarmalka ah ee Real Madrid u samaysa dharka ee Adidas iyo EA Sports ayaa heshiis ku gaadhay inay soo saaraan dhar gaar ah oo midabkiisu yahay buluug dhexda kaga jiraan xiddigo cadcad, kuwaas oo laga heli doono meheradaha lagu iibiyo qalabka ciyaaraha kooxda, sidoo kalena loo isticmaali doono ciyaar gacmeedka FIFA 19.

Dharkan quruxda badan oo jamaahiirtu ku gacan karaan 90 Euro, ayaa la sheegay in ciyaaryahannadu aanay xidhan doonin oo aan loogu talo gelin kulamada caadiga ah, balse ciyaar gameedka FIFA 19 loogu talo-galay.

Daawo sawirrada maaliyadda cusub