SAWIRRO: Magaalada Paris Ee Caasimada France Oo Soo Dhawayn Diiran Loogu Sameeyay Xiddigihii France Ee Soo Hantay Tartanka Koobka Aduunka & Sawiradii Ugu Qurxoonaa Ee Laga Qabtay Soo dhawayntii Les Bleus.

Waxa soo dhawayn aan loo kala hadhin magaalada Paris loogu sameeyay xiddigihii xulka France ee soo hantay tartankii koobka aduunka ee ka soconayay dalka Ruushka kaddib markii ay kulankii Final-ka 4-2 ku dubteen xulka Croatia ciyaar xiiso badnayd.

Kumanaan iyo boqolaal kamid ah dadka ree France ayaa isagu soo baxay wadooyinka waawayn ee magaalada Paris si ay usoo dhaweeyaan halyeyada dalkooda usoo hooyay guushaas taariikhiga ah, Safka xulka France u matalayay tartanka ayaa wax ka yar 24 saac baaqi kusii ahaa dalka Ruushka kaddib markii ay Luzhniki Stadium kusoo hanteen koobka ugu darajada sareeya kubadda cagta.

Intaa kaddib madaxweynaha France ee Emmanuel Macron ayaa u mahadceliyay xiddigaha dalkiisa maadaama oo ay ka dhigeen kuwo hanweyn isagoo sidoo kale u sheegay inay markasta xasuustaan kooxihii ree France ee soo tababaray dhammaantood.

Madaxweyne Macron oo la hadlaya safka xiddigaha qarankiisa ayaa yidhi “Waad ku mahasantihiin inaad naga dhigteen kuwo hanwayn, Waligiin ha ilaawina halkii aad ka timaadeen, Kooxihii France gudihiisa ee idin soo tababaray”

Halkan kaga bogo sawirada quruxda badan ee laga qabtay munaasibadii soo dhawaynta xulka France ee Paris: