Sawirro: Liverpool Oo U Ambabaxday Spain Si Ay Tababar Ugu Sameeyaan Ka Hor Finalka Champions League & Emre Can Oo Kooxda Ku Soo Laabtay

Emre Can ayaa la safray kooxda Liverpool si ay tababar ugu soo sameeyaan magaalada cimilada diiran ee Marbella ee tirsan gobolka Malaga ee dalka Spain.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Jarmalka ayaa dib ugu soo laabtay kooxdiisa ka dib markii uu ku maqnaa dalkiisa Jarmalka oo uu u aaday inuu isaga soo daweeyo dhaawac uu ka qabay dhabarka.

Shaqaalaha caafimaadka kooxda ayaa bilaabi doona inay qiimeyaan xiddiga khadka dhexe iyagoo rajo ka qaba inuu ka qeyb qaato finalka Champions League ee ka dhacaya magaalada Kiev ee dalka Ukraine, waxaana fure u noqon doonta inuu ka qeyb qaato tababarka dhameystiran ee ay ku sameeynayaan Spain.

24 jirkaan ayaa u dagaalamaya inuu taam u noqdo finalka Champions League ee ay 26ka bishaan la ciyaarayaan Real Madrid iyadoo qandaraaskiisa kooxda uu sidoo kale dhacayo xagaagan, waxaana lala xiriirinayaa inuu si xor ah ugu wareegayo kooxda Juventus.