SAWIRO: Waa Kuwan Shanta Ciyaartoy Oo Murqaha Ugu Waa Wayn Ku Soo Samaystay Go’doonkii Fayraska Iyo Sawirada Oo Lays Barbar Dhigay.

Muddo laba bilood ka badan ayay kubbada cagtu ka maqan tahay horyaalada Premier league, Serie A iyo La Liga halka horyaalka Bundesliga ee dalka Jarmalku uu sabtidii dib u furmay iyada oo ay jiraan horyaalado cabsida Fayraska Koroonaha loo kansalay.

Muddadii labada bilood iyo maalmaha ahayd ee go’doonka lagu jiray waxaa muuqatay in ay jiraan ciyaartoy si wayn uga soo faa’iidaystay oo jidh dhis iyo tababar shaqsi ah ku soo qaatay guryahooda kuwaas oo in badan jidhkooda soo badalay.

Qaar ka mid ah ciyaartoydani waxay markii horeba ahaayeen kuwo jidh ahaan udhisan balse waxay sii kordhiyeen muddadii kubbad la’aanta ay ku jireen halka kuwo markii hore qaab xumaa ay fursad dahabi ah unoqotay in ay isbadal soo sameeyaan.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa ciyaartoyda sida cad loo dareemay in ay go’doonkii Fayraska jidh ahaan uga soo faa’iidaysteen halkan ayaanad kaga bogan kartaa.

1- Cristiano Ronaldo- Juventus

Cristiano Ronaldo waxa uu markii horeba ahaa mid jecel tababarka isla markaana ciyaartoy badan oo ay isku koox ahaayeen kaga soo yaabsaday, laakiin intii go’doonka lagu jiray waxaa dalka Portugal lagu qabtay isaga oo goob aan la ogolayn in la soo galo ku tababaranayay.

 When lockdown began, Ronaldo was in good shape

Cristiano Ronaldo oo intii go’doonka lagu jiray ku soo qaatay dalkiisa Portugal ayaan joojin tababarka wuxuuna si joogto ah u sii dhisay jidhkiisa si soo laabashada Serie A aanu dhibaato u dareemin.

 Cristiano Ronaldo has benefitted from the coronavirus lockdown and looks more chiselled than before

Balse Ronaldo oo gurigiisa ku haysta agab dhamaystiran ayaa si wayn uga soo faa’iidaystay muddadii go’doonka wuxuuna sii kordhiyay qaab dhismeedka jidhkiisa si uu muddo dheer u sii ciyaari karo.

2- Scott McTominay- Man United

Markii la ciyaarayay kulamadii ugu danbeeyay xili ciyaareedka premier League waxa uu Scott McTominay ahaa mid feedhe yare ah isla markaana aan awood badan oo jidh ahaaneed muujin balse isbadalka ku dhacay jidhkiisa intii go’doonka lagu jiray ayaa noqotay mid si cad u muuqatay.

 Scott McTominay returned from a long injury lay-off just before the coronavirus lockdown

McTominay ayaa intii aan go’doonka farayska la galin ka soo laabtay muddo uu kooxdiisa Man Uited ka maqnaa, laakiin hadda waxa uu soo laabashada xili ciyaareedka u yahay isaga oo nin kale ah.

 McTominay recently shared this shredded image of his buff physique

Man United ayay muhiim u tahay in ay kooxdeeda kuwada hesho ciyaartoyda ugu muhiimsan, wuxuuna McTominay muujiyay in uu hadda soo laabanayo isaga oo jidh ahaan uga soo faa’iidaystay muddadii xili ciyaareedku hakadka ku jiray.

3- Eden Hazard- Real Madrid

Eden Hazard waxa uu go’doonkii Fayraska galay isaga oo ku jiray xaalad dhaawac oo uu qaliin u maray, laakiin waxa uu ka dhigtay midkii ugu haboonaa in uu shaqo wayn soo qabto si uu diyaar ugu noqdo qaybta xili ciyaareedka ka hadhsanayd.

 Eden Hazard has struggled with his weight at Real Madrid

Xiligii go’doonka buuxa lagu jiray waxa uu Eden Hazard qirtay in ay isaga aad xaaladu ugu adkayd maadaama oo uu iska ilaalinayay in uu cunto badan cuno wuuxuna markaas yidhi: “Aniga aad ayay iigu adag tahay. Waxaan isku dayayaa in aanan wax badan cunin”.

 Real Madrid boss Zinedine Zidane was impressed by Hazard's new svelte figure

Laakiin Hazard ayaa maalintii kowaad ee uu xerada tababarka kooxdiisa Madrid ku soo laabtay waxa uu amakaag ku riday macalinkiisa Zidane kaas oo la fajacay qaabka uu Hazard u soo shaqeeyay ee uu meel iskaga saaray cayilkii iyo buurnaantii xili ciyaareedka oo dhan lagu eedaynayay.

Eden Hazard ayaa shaqo wayn ku soo qabtay gurigiisa si uu uga soo kabsado dhaawicii uu labada bilood ka badan la maqnaa laakiin waxaa u dheerayd in uu xakameeyay cuntooyinka uu qaadanayay si uu isbadal la dareemi karo ugu soo sameeyo jidhkiisa.

Sidaa daraadeed, waxa uu Hazard ka mid noqday ciyaartoyda sida cad loo dareemay isbadalka jidh ahaaneed ee ay soo sameeyeen intii go’doonka lagu jiray.

4- Danny Drinkwater- Aston Villa

Xidiga Chelsea amaahda kaga maqan ee Drinkwater oo xaaladii ugu xumayd ee waayihiisa ciyaareed ku soo jiray xili ciyaareedkan ayaa layaabay qaabkii uu dadaal wayn u soo sameeyay muddadii go’doonka lagu jiray.

 Danny Drinkwater's career is at a crossroads

Danny Drinkwater oo hore kooxda Leicester City uga soo caawiyay koobka Premeir League isla markaana Kanta u soo raacay Chelsea ayaa xaalad xun ku soo jiray xili ciyaareedkan kadib markii uu dagaal rabshad ah ku galay goob lagu caweeyo isla markaana ay dagaalameen xidiga kooxda Aston Villa ee Jota oo ay isku koox yihiin.

 Drinkwater is taking lockdown seriously as this image on Instagram shows

Intii aan go’doonka la galin waxa uu 30 sano jirkani ahaa mid aan qaab fiican lahayn balse muddadii labada bilood ahayd waxa uu ku qasbanaaday in uu shaqo adag qabto si uu u saxo waayihiisii ciyaareed ee godka dheer ku dhacay.

5- Mohamed Salah- Liverpool

Waxay ahayd bishii January ee horaantii sanadkan markii uu Mohamed Salah daqiiqadihii ugu danbeeyay uu Manchester United gool kaga dhaliyay Anfield isla markaana uu garankiisa saaray ee la arkay isbadalka fiican ee uu jidh ahaan u sameeyay.

 Mo Salah was on his way to sculpting a more powerful upper body

Laakiin Mohamed Salah ayaan dadaalkiisa joojin intii lagu jiray labadii bilood ee go’doonka ahaa wuxuuna muujiyay in uu sii xoojiyay awoodiisii jidh ahaaneed.

Haddii Mohamed Salah uu tafeeno yare ahaa markii uu Chelsea joogay isla markaana aanu awood badan lahayn markii uu garabka ka jabay dhacdadii Sergio Ramos, haddana waxa uu noqday mid jidhkiisii si wayn u badalay.

 Last month, Salah showed off a more hulking physique

Mohamed Salah oo waliba ay u dheerayd in uu bishii barakaysnayd ee ramadaan oo dhamaad ah uu soo soomay isla markaana uu fursadii ugu fiicnayd sanadkan ku helay in uu gurigiisa ku soomay, haddana taasi kamay joojin in uu shaqadii adkayd sii wady.

Ma aha shantan ciyaartoy oo kale balse waxaa jira xidigo badan oo isbadal fiican soo sameeyay laakiin waxay noqdeen kuwa markiiba la dareemay in isbadalku uu yahay mid si cad loo dareemi karo.

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook

1 Comment

  1. Horaa somalidu utidhi halaaga qoom waa faa iidada qoomka kale
    Ciyaartowduna waa fas iidadooda xayiraada dadka lagusoorogay

Comments are closed.