SAWIRO: Qofkastaaba Waxa Uu Wali Ku Qoslayaa Qaabkii Lama Filaanka Ahaa Ee Ay Antonio Rudiger, David Luiz Iyo Cesar Azpilicueta Ay Hal Mar U Wada Raacdeen Edin Dzko!

Chelsea ayaa xalay guuldarado wayn kala soo laabtay kooxda AS Roma laakiin waxaa guuldaradan ka xanuun badan qaabka difaacasho ee ay kooxda Blues samaysay taas oo ah waxa walwalka wayn ku abuuray jamaahiirta kooxda Blues iyo waliba Antonio Conte. Waqtiyo badan xili ciyaareedkan waxay Chelsea soo muujisay in ay u nugushahay difaaceeda si ka duwan xili ciyaareedkii hore ee ay sida cajiibka ah ugu soo guulaysatay koobka Premier Leaque.

Fashilkii iyo ceebtii Antonio Conte uu kala soo laabtay caasimada dalkiisa ee Rome waxaa sabab wayn ku lahaa difaacyada kooxdiisa ee ilaa hadda lagu qoslayo qaabkii carruurnimada lahayd ee ay weerarka AS Roma uga caawiyeen in ay saddex gool si raaxo leh guul ugu gaadheen.

Barbaraha bulshada waxaa ilaa hadda lagu sii faaqidayaa hal arin oo qof kastaaba uu ilaa hadda la yaaban yahay kadib markii ay saddexda difaac ee kala ah Antonio Rudiger, David Luiz iyo Cesar Azpilicueta ay hal mar wada raacdeen Edin Dzeko taas oo xidiga ree Bosnia ka caawisay in uu saddexda difaac ula dhaqmay sidii ay hal shaqsi isku yihiin iyaga ayaaba iska dhigaye!.

Edin Dzeko oo si fiican u fahmaya qaab ciyaareedka Chelsea maadaama oo uu waqti dheer kaga hor imanayay horyaalka Premier Leaque markii uu Manchester City ka tirsanaa ayaa labadii kulan ee Champions Leaque waxa uu dhibaato wayn ku ahaa difaaca Blues.

Edin Dzeko ayaa si layaableh hadhba dhinac iskugu yaacsiiyay saddexda difaac ee garan waayay in midkood ama laba ay raacdaan isla markaana uu kan kale shaqadiisa kale qabsado ama uu dhinaca hore u sii ordo si haddii uu labada kale u soo dhaafo uu xal kale u noqon karo.

Jamaahiirta kubbada cagta aduunka ayaa difaacyada Chelsea si sahlan ugu sifaysay in ay u difaacdeen sida ciyaartoy 10 sano jiro ka hooseeya oo kale kuwaas oo kubbada iyo ninka baacsanaya hal mar wada baacsanaya.

Haddaba si dhacdadan aad uga bogan karto waxaad arki kartaa ilaa shan sawir oo muujinaya qaabkii Cahil, Luiz iyo Rudiger ay hal mar u wada raacdeen Dzeko iyo wixii uu ku sameeyay.

 

Comments

comments