SAWIRO: N’Golo Kante Oo Qaab Kale Noqday Iyo Haddii Lampard Uu Ciqaabay Xidigii La Xidhay Ee Callum Hudson-Odoi Ee Tababarkii Blues Ee Ugu Horeeyay.

Chelsea ayaa markii ugu horaysay xarunta tababarka kooxdeeda ku soo laabtay muddo laba bilood ahayd oo ay go’doon ku jireen waxayna Blues ka mid tahay kooxaha Premier League ee sidii qorshaysnayd maanta sida rasmiga ah shaqada ugu soo laabtay.

Kooxaha Premier League ayaa isniintii shalay waxay cod aan loo kala hadhin ku ansxiyeen in maanta oo talaado ahayd ay dhamaantood ku soo laabtaan tababarka iyada oo la siiyay tilmaamo khaas ah oo ay raacayeen.

Tababare Frank Lampard ayaa bixiyay tababarkii ugu horeeyay ee ciyaartoyda kooxdiisa Chelsea oo ay muddo laba bilood ah go’doon ku kala jireen waxaana jiray waxyabo gaar ah oo tababarkan lagu arkay.

Qoraal ay Chelsea soo raacisay sawiradii ciyaartoyda kooxdeeda ayaa lagu yidhi: “Kadib laba bilood oo la maqnaa, ciyaartoyda Chelsea iyo qayb ka mid ah shaqaaluhu waxay  galankii danbe ee tallaadadii ku soo laabteen Cobham si ay u bilawdaan tabbarka groupyada yar yar iyada oo la raacayo hanaanka Premier league ee soo laabashada tababrka io dawlada UK ee kala fogaanshaha bulsho”.

Arintii ugu hadal haynta badayd ee sawirada kooxda Chelsea lagala soo dhex baxay waxay noqotay qaabka uu xidiga khadka dhexe ee N’Golo Kante  kaga soo laabtay go’doonkii uu ku jiray.

Hore looma arag N’Golo Kante  oo madixiisu timo leeyahay waxaana caado u ahayd in tan iyo markii la bartay uu si joogto ah u xiiri jiray ama u jaran jiray timihiisa isaga oo gabi ahaanba u muuqan jiray mid aan timo lahayn.

Image

Laakiin markan waxa uu N’Golo Kante  soo laabtay isaga oo noqday wiil timo leh oo dadka qaar ayna si fiican u garan karin.

N’Golo Kante oo xili ciyaareedkan dhaawcyo la soo dhibtoonayay ayaa ka dhex muuqday tababarkii maanta ee uu Lampard bixiyay waxaana la filayaa in uu hadda diyaar buuxa u yahay soo laabashada Premier League.

Dhinaca kale xidiga ceeboobay ee Callum Hudson-Odoi oo axadii ay booliisku xidheen kadib markii lagu soo eedeeyay in uu gabadh kufsaday ayaa la sheegay in Lampard uu u ogolaaday in uu ciyaartoyda kooxdiisa soo dhex galo.

Waxaa markii hore la sheegay in Callum Hudson-Odoi uu gali doono karantiil 14 maalmood ah maadaama oo uu jabiyay go’doonkii farayska looga jiray isla markaana lagu eedeeyay in uu kufsi sameeyay balse Lampard ayaan 19 sano jirkan ku ciqaabin falka xun ee uu sameeyay.

Ciyaartoyda sawirada ay Chelsea daabacday ka muuqday waxaa ka mid ah Jorginho, Willian, Pedro, Ross Barkley, Azpilicuata, Marcos Alonso, Mateo Kovacic, Ruben Loftus-Cheek, Antonio Rudiger, Olivier Giroud, N’Golo Kante iyo xidigo badan oo kale waxaana ku jira Callum Hudson-Odoi oo badhtamaha June maxkamad la soo taagi doono.

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook