SAWIRO: Liverpool Oo Tababar Ku Qaadatay Magaalada Diiran Ee Marbella Ee Dalka Spain Iyo Alex Oxlade-Chamberlain Oo Si Buuxda Uga Dhex Muuqday.

Kooxda Liverpool ayaa waqtiga ay fasaxa ka heshay horyaalka Premier league iyo Champions league waxay tababar ugu baxeen magaalada diiran ee Marbella oo ku taala dalka Spain mana aha markii ugu horaysay ee ay kooxda Jurgen Klopp cimilada diiran ee Marbella ay tababar ku samaynayso.

Liverpool ayaa war aad u fiican ka heshay xaaladii xidiga sanadka dhaawaca kaga maqnaa ee Alex Oxlade-Chamberlain kaas oo ugu danbayn si buuxda ugu soo laabtay tababarka kooxdiisa Reds wuxuuna maanta si wayn uga dhex muuqday tababarkii uu Jurgen Klopp ku bixiyay magaalada Marbella.

Chamberlain ayaan Liverpool u ciyaarin tan iyo wixii ka danbeeyay April 24, 2018 markaas oo uu dhaawac halis ahaa ka soo gaadhay kulankii lugtii hore ee afar dhamaadkii Champions League wuxuuna ugu danbayn Chamberlain bilaabay taam ahaansha buuxa ee uu hadda ugu soo laabtay tababarka kooxdiisa Reds.

Tababarkii maanta ee kooxda Liverpool waxaa ka soo muuqday Tom Werner oo saami ku leh kooxda Reds waxaana la arkayay iyaga oo waqti farxad leh wada qaadanayay Jurgen Klopp.

Waxa kale oo tababarkii maanta ee Liverpool ka soo muuqday Rhian Brewster oo isna dhaawac waqti dheer ah ka soo laabtay halka Klopp uu fursad tababar siiyay ciyaartoyda da’yarta ah ee Ben Woodburn iyo Nat Phillips.

Laakiin waxaa safarka Liverpool ee magaalada Marbella seegay Dejan Lovern kaas oo uu Klopp xaqiijiyay in uu Melwood baaqi ku sii ahaan doono si uu dagaal xoogan ugu galo in uu taam u noqdo kulamada soo socda isaga oo al dhibtoonaya dhaawicii uu muddada la soo maqnaa.

Liverpool ayaan wax kulan ah ciyaarayn ka hor kulanka Man United waxayna haystaan fursad ay waqti fiican ugu sii helaan diyaar garowga Old Trafford halka Man United ay sii ciyaari doonto laba kulan oo adag oo ah kulanka caawa ee PSG iyo kulanka Chelsea ee FA Cupka.