Sawirka Cristiano Ronaldo Oo Laga Tuuray Wajiga Hore Ee Ciyaar Gacmeeda FIFA 19 Iyo Saddex Ciyaartoy Oo Booskiisa Lagu Badalay.

Xidiga xulka qaranka Portugal iyo kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa laga tuuray wajiga hore ee ciyaar gacmeeda FIFA 19 iyada oo shirkada EA Sports badalkiisa ka dhigatay saddex ciyaartoy oo kale. Ronaldo ayaa soo saarnaa wajiga hore ee ciyaar gacmeeda FIFA laakiin hadda EA Sports waxay booskiisa ku badashay saddex ciyaartoy oo kale.

Shirkada EA Sports oo masuul ka ah ciyaar gacmeeda FIFA ayaa horaantii bishan barteeda twitterka soo saartay saddexda sawir ee xidiga kooxda Manchester City ee  Kevin De Bruyne, ciyaartoyga Paris Saint-Germain ee Neymar iyo waliba xidiga kooxda Juventus ee Paulo Dybala laakiin waxaa hada sawirada saddexdan xidig laga dhigay wajiga hore ee ciyaar gacmeeda FIFA 19.

EA Sport ayaa la aaminsan yahay in sawirkii Cristaino Ronaldo meesha uga saareen kadib markii uu soo baxay kiiska kufsiga ah ee uu ku eedaysan yahay iyaga oo hore u shaaciyay in ay si dhaw ula socdaan kiiska xidiga reer Portugal kaga socda dalka Maraykanka.

Sidoo kale EA Sports ayaa shaacisay in ay doonayeen sidii ay tartanka Champions League ee wareegiisa 16ka muhiim wayn u siin lahaayeen iyo sidii ay ciyaartoy cusub ugu soo kordhin lahaayeen wajiga hore ee ciyaar gacmeeda FIFA 19.

Saddexda sawir ee Kevin De Bruyne, Neymar Jr iyo Pualo Dybala ayaa si wada jir ah uga soo muuqanaya ciyaar gacmeeda aduunka oo dhan caanka ah ee FIFA 19 iyada oo laga tuuray sawirkii Cristiano Ronaldo ee hore u soo saarnaa.

Shirkado badan ayaa hore u shaaciyay in ay ka fiirsanayaan isla markaana ay si dhaw ula socdaan kiiska fadeexada kufsi ee Cristiano Ronaldo ay ku soo eedaysay gabadh ay xidhiidh galmo saameeyeen sanadkii 2009 kii oo ku soo dacsaysay in uu xoogay.

Si kastaba ha ahaatee, EA Sports ayaa hadda loo arkaa in ay qaaday talaabo hor leh oo ay haddaba ka sii qaaday Cristiano Ronaldo oo ay hore heshiis ugu wada jireen isla markaana uu sawirkiisu soo saarnaa wajiga hore ee FIFA 19.