SAWIR: Maxay Lionel Messi Iyo Zinadine Zidane Si Wadajir Ah U Qabanayeen Maanta Oo Jimce Ah? Sawir Labadan Shaqsi Ay Wada Galeen Oo Baraha Bulashada Ruxay.

Tababaraha halyeeyga ah ee kooxda Real Madrid ee Zinadine Zidane iyo kabtanka, Halyeeyga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa maanta oo jimce ah baraha bulshadu ku kulanto ku gilgilay isla markaana xan badan kaga dhaliyay sawir ay kasoo wada muuqdeen.

Jamaahiirta ayaa markiiba is weydiisay waxa ay labadan shaqsi wada qabanayeen, Balse wargeyska Sport ayaa daaha ka qaaday inay qayb ka wada ahaayeen xaysiis aan wali la shaacin oo ay shaqsiyaad kale oo kubadda caan ka ahi kala soo muuqdeen.

Messi y Zidane son algunas de las estrellas de la campaña

Xaysiiskan ayay sidoo kale kasoo muuqdeen xiddigo ka socday qaybaha kala duwan ee Barcelona oo kala ahaa Luis Suarez, Lieke Martens iyo Toni Duggan kuwaas oo kaamiradu qabatay iyaga oo kor u qaadaya calaamada shirkada ay xaysiiska u wadeen.

Xaysiiskan ayaa ahaa mid ay sidoo kale ku lug lahaayeen halyeeyo kubadda cagta ah sida xiddigihii hore ee Man United ee David Beckham iyo Eric Contona iyo waliba xiddigaha haatan ee Neymar JR, Paulo Dybala iyo James Rodriguez.

Zinadine Zidane ayaa haatan ka maqan saaxada kubadda cagta oo uusan kusoo laaban tan iyo markii uu iska casilay xilka tababarenimo ee Real Madrid maalmo tirsan kaddib hanashadii Champions League markii saddexaad oo xidhiidh ah.

Dhinaca kale, Messi ayaa xilli ciyaareedka ilaa haatan ku naaloonaya isaga oo kooxdiisa ka caawiyay inay hoggaanka horyaalka hayso kaddib 13 kulan isla markaana booska 1-aad kaga soo baxdo Group B ee tartanka Champions League.