Sawir 43 Sano Ka Hor Laga Qaaday Actor 80 Sano Jir Ah Oo Ka Soo Shaqeeyay Hollywood Oo Uu Qareen Maraykan Ahi Si Layaableh Iskugu Barbar Dhigay Lionel Messi.

Barbaraha bulshada gaar ahaan barta twitterka ayaa ah meel aduunku uu si wayn wax iskugu gudbiyo, waxaana markasta la arkaa dhacdooyin si lama filaan ah uga soo dhex baxa oo si wayn loo wadaago.Waxaana jira dad waxyaabo ayna dadka kale u fiirsan wax wayn ka soo dhex saara.

Qareen u dhashay dalka Maraykanka ayaa arin cajiib ah ku soo jiitay indha aduunka ee baraha bulshada kadib markii uu isbarbar dhig ku sameeyay sawir 43 sano laga qaaday actor ka soo shaqeeyay Hollywood oo hadda 80 sano jir ah.

Dustin Hoffman oo hadda 80 sano jir ah ayaa sawir laga qaaday sanadkii 1975 kii waxa uu qabsaday barta twitterka kadib markii uu soo ifbaxay sawir uu lahaa 43 sano ka hor markaas oo uu 37 sano jir ahaa, wuxuuna sawirkan noqday mid aad ugu muuqaal eeg waqtiyo uu Lionel Messi soo maray.

Enrique Zabala oo ah qareen u dhashay dalka Maraykanka ayaa dareemay isku eekaanshaha Lionel Messi iyo actorka Dustin Hoffman, wuxuuna isa soo barbar dhigay labada sawir isaga oo soo raaciyay qoraal uu ku sheegay in haddii uu Messi u dhalan lahaa USA in uu ahaan lahaa Dustin Hoffman.

 

Enrique Zabala ayaa sawir soo raaciyay qoraalka ah: “Haddii uu Messi u dhalan lahaa USA, waxa uu noqon lahaa Dustin Hoffman.”

Sawirka ayaana markiiba baraha bulshada ku baahay iyada oo ay wargaysyada caalamka qaarkoodana daabaceen dhacdadan oo noqotay mid uu qareenka Zabala si wayn indhaha aduunka ugu qabsaday.

Lionel Messi ayuu muuqaalkiisu si wayn isku soo badalayay tan iyo markii uu ka soo baxay xarunta La Masia waxaana muuqata in waqtiyo ka mid ah waayihiisii ciyaareed uu sawirkiisu aad ugu muuq eeg yahay Dustin Hoffman.