Saraakiisha Kooxda Barcelona Oo Fariin Adag U Diray Laacibkooda Reer France Ousmane Dembélé, Kadib Marka Ay Ku War Galiyeen Waxa Ay Ka Doonayaan Inuu Sameeyo.

Maamulka kooxda Barcelona  uu hogaaminayo Josep Maria Bartomeu ayaa waxay bilaaween in talooyin kala duwan ay u diraan laacibkooda ree France Ousmane Dembélé, si uu kaga soo kabto sida ugu dhaqsida badan dhaawaca uu haatan qabo isla markaana uu dib garoomada ugu soo laabto.

Ousmane Dembélé ayaa wuxuu kusoo caga dhigtay garoonka Cump Nou suuqii xagaaga ee lasoo dhaafay aduun dhan 105 million euros taasoo ka dhigeysa inuu yahay laacibka labaad ee ugu qaalisan taariikhda kubada cagta, laakiin laacibka ree france waxaa soo gaaray dhaawac dhanka muraqa ah, wuxuuna soo laaban doonaa dhamaadka sanadkan.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Sport” ee gobolka Catalonia madaxweynaha kooxda Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa wuxuu si joogta ah ula hadlayay Dembélé inta uu dhaawaca ku maqnaa si uu u ogaado waxa uu u baahan yahay iyo baahida uu qabo isla markaana uu u caawiyo, wuxuuna ku dhiiri galiyay sidoo kale inuu barto luqada Spanishka, si ay ugu fududaato xidhiidhka uu la sameenayo ciyaartoyda iyo shaqaalaha kale ee kooxda.

Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Barcelona Robert Fernandez ayaa isna wuxuu xidhiidh la sameeyay Ousmane Dembélé, wuxuuna fahansan yahay muhiimada uu kooxda u leeyahay laacibka ree France iyo in uu mustaqbal fog ku yeelan doono Barca.

Laakiin Wargeyska ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo koobay in labadan masuul ay kala hadleen Ousmane Dembélé uu waqti ku filan uu siiyo sida uu kaga soo kaban lahaa dhaawaca uu haatan ka qabo dhanka muruqa, islamarkaana uu wax badan ka barto Lionel Messi, maadaama uu si wanaagsan u garanayo sida lala macaamilo jirka islamarkaana uu ka jawaabo digniin kasta ee ku saabsan dhaawicyada uu la kulmo, taasna waa mid ka mid ah sababaha uu inta badan xidiga ree Argantina kaga dheeraado dhaawacyada iyo inuusan ka maqnaan safka kooxda Barcelona inta badan.

Comments

comments