“Sameeya Arrintan Hadaad Doonaysaan Soo Qabashada Man City” – Halyeey Liverpool Ah Oo Kooxdiisii Hore & Tababare Klopp Talo Weyn Usoo Jeediyay.

Halyeeyga kooxda Liverpool ee Ray Clemence ayaa talo wax ku ool ah oo ku saabsan qaabka ay kusoo qaban karaan Manchester City siiyay kooxdiisii hore iyo tababaraha hoggaanka u ah ee Jurgen Klopp.

Marka laga yimaado inay kusoo guuleysteen tartanka ugu weyn qaarada Yurub ee UEFA Champions League haddana Liverpool ayaa wali kor u fiirinaysay City tartanka horyaalka walow kaliya hal dhibic lagaga gacan sarreeyay.

Haddaba, Halyeey Clemence oo ah 70 sano jir hore goolka ugu geli jiray kooxda Anfield ayaa sheegay in Liverpool ay u baahantahay inay markale lacag badan kharash garayso haddii ay doonayaan soo qabashada City.

Ray Clemence ayaa hadalkiisa ku furtay “Arrintu waxay tahay – Liverpool iyo Klopp-na sika fiican qofkasta ayay u garan doonaan arrintan – Waa inaad sii wado isku dayga (Saxeexyo cusub) si aad usii wanaagsanaato”

“Wixii ay sameeyeen xilli ciyaareedkii hore waxa uu ahaa cajiib laakiin wali waxa ay ku dhammaysteen labaad waanan hubaa City waxay raadin doontaa inay horumarto”

“Liverpool si ay usii wado kor u kaca sidoo kale waxay u baahan yihiin inay sameeyaan xiddigo soo iibsi, Waa inay kor ugu kacaan heer kale sababtoo ah qaabka ay City u ciyaarto”

Reds ayaa ilaa haatan ah kuwo aamusan marka loo eego xaaladooda suuqa kala iibsiga ee xilligan waxaana ay kaliya lasoo saxeexdeen da’yarka 17 sano jirka ah ee Sepp van den Berg oo kaga yimid dhinaca kooxda ree Holland ee PEC Zwolle,

Dhinaca kale City qudheeda ayaa soo ahayd mid aan ka dhex muuqan suuqa iyagoo aan wali wax saxeex ah gacanta kusoo dhigin balse aad ugu dhaw helista Rodri oo khadka dhexe uga dheela Atletico Madrid.