Sadio Mane Oo Ugu Dambayn Soo Xidhay Wararkii Mudada Dheer La Xidhiidhinayay Real Madrid & Mustaqbalkiisa Oo Uu Meel Ku Hubsaday.

Garabka kooxda Liverpool ee Sadio Mane oo mudo dheer lala xidhiidhinayay inuu ku biirayo dhinaca Real Madrid ayaa ugu dambayn si waafi ah saxaafada uga hor go’aamiyay mustaqbalkiisa iyo waxa uu doonayo inuu noqdo.

Mane ayaa u muuqda mid sida ugu wanaagsan u dheelaya xilli ciyaareedkan gaar ahaan dhinaca gool dhalinta isaga oo haatanba midkani u ah xilli ciyaareedkii uu ugu wax soosaarka fiicnaa abid.

Sadio ayaa Liverpool ka caawiyay haysashada hoggaanka Premier League ilaa haatan iyaga oo dhinaca kale fursad weyn u haysta inay caawa gaadhaan wareega afar dhammaadka Champions League.

26 jirkan oo waraysi siinayay majalada saxda ah ee Liverpool ayaa sheegay inuu doonayo halyeey waliba aan ku koobnayn kaliya Liverpool balse guud ahaan horyaalka oo dhan isaga oo dhinaca kale sheegay dareenkiisa farxadeed ee kooxda.

Sadio Mane ayaa yidhi “Dabcan waxaan doonayaa inaan noqdo halyeey maaha kaliya Liverpool balse taariikhda Premier League, Taasi waa mid kamid ah bar-tilmaameedyadayda”

“Sida aan markasta odhanayay Aad Ayaan ugu faraxsanahay inaan u ciyaaro kooxda maalin kastana waan isku dayayaa joogista halkan iyo isku dayga samaynta waxkasta si aan wax ugu guuleeyo kooxdan, Waxaan samayn doonaa waxkasta oo macquul ah si aan u gaadho waxkasta oo macquul ah”

Dhawaan ayay ahayd markii tababare Klopp uu sheegay in Mane uu gaadhay heer uusan mar dambe ku qasbanaan doonin inuu qof u caddeeyo awoodiisa ciyaareed.

Mane ayaa ilaa haatan soo dhaliyay 18 gool oo horyaalka ah xilli ciyaareedkan waana rekoodhkiisa ugu fiican ee uu abid gaadhay hal xilli ciyaareed.