SADDEXDII Saxeex Ee Ugu Wanaagsanaa Premier League Bishii January Oo La Qiimeeyay, Xiddiga Ugu Sarreeya & Qiimaynta Ay Kala Heleen.

Shabakada WhoScored.com ee caanka ku ah qiimaynaha kala duwan ee kubadda cagta ayaa markan soo saartay qiimaynta saddexdii ciyaartoy ee saxeexoodu ugu wanaagsanaa suuqii ugu dambeeyay ee bishii January.

Inta badan kooxaha Premier League ayaa safafkooda soo xoojiyay bishii January marka laga reebo kooxo dhawr ah oo ay kamid ahaayeen Manchester City iyo Chelsea oo aan labaduba samayn wax saxeexyo ah walow ay aad ugu baahi qabeen.

Qiimayntan uu soo saaray WhoScored.com ayuu figta ugu sarreysa kasoo galay kubad sameeyaha dhawaan galka ah ee Manchester United ee Bruno Fernandes kaas oo qaab aad u wanaagsan ku bilawday nolosha Manchester.

Bruno ayaa bishiisii ugu horreysay loo doortay xiddigii ugu fiicnaa horyaalkaasi xilli uu sidoo kale abaalmarino dhawr ah hantay waxaana uu qiimayntan kusoo galay 7.82 dhibcood.

Booska labaad ayuu soo galay garabka Tottenham ee Steven Bergwijn kaas oo dar dar ku bilawday waayihiisa Spurs, Bergwijn oo laba gool oo PL ah usoo dhaliyay Tottenham ayuu midi ahaa gool muhiim ah oo uu ku quusiyay Manchester City ciyaar ay 2-0 kaga guuleysteen.

Booska saddexaad ayuu soo galay xiddiga cusub ee Norwich City ee Ondrej Duda kaas oo toddoba kulan soo matalay kooxdiisa isla markaana saamayn balaadhan kusoo yeeshay.