SADDEX Khabiir Oo Isku Raacay In Liverpool Ay Xilli Ciyaareedkan Horyaalka Hanan Doonto & HAL Ciyaartoy Oo Ay Dhammaantood Sababta Ka Dhigeen!!.

Xiddigihii hore ee Shaka Hislop, Steve Nicol iyo Brian McBride ayaa dhammaantood si isku mid ah iskugu raacay in xilli ciyaareedkan ay Liverpool noqon doonto horyaalka England kuna guuleysan doonto tartanka Premier League.

Saddexdan khabiir ayaa dhammaantood aaminsan in daafaca dhawaan dhaawaca xumi gaadhay ee Aymeric Laporte uu yahay sababta ugu weyn ee ay Reds horyaalka ugu garaaci doonto dhigeeda Manchester City.

Steve Nicol and Shaka Hislop discussing Liverpool

Laporte ayaa la filayaa inuu mudo dheer ka maqnaado garoomada kubadda cagta kaddib markii uu dhawaan maray qaliin jilibka lagaga sameeyay.

Daafacan ree France ayaa loo arkayay midka ugu wanaagsan ee uu Pep Guardiola u haystay booskiisa waxaana uu kusoo bilawday dhammaan afarta kulan ee ay la ciyaareen horyaalka kahor intii uusan ku dhaawacmin kulankii ugu dambeeyay ee Brighton.

Labada daafac dhexe ee kaliya ee haatan kooxda ku sugan ayaa kala ah Nicolas Otamendi iyo John Stones balse Kyle Walker iyo Fernandiho ayuu sidoo kale Pep u adeegsan karaa booskaas.

Si kastaba, Iyadoo la filayo in markale ay tartanka horyaalka laba farasle ka dhigaan City iyo Liverpool ayay haatan saddexdan khabiir horyaalka u badiyeen dhinaca kooxda Jurgen Klopp.

Markii la weydiiyay haddii Liverpool ay tahay kooxda ugu cad cad xilli ciyaareedkan horyaalka sababtoo ah dhaawaca Laporte ayuu Hislop ku jawaabay “Haa”.

Intaa kaddib halyeeyga Liverpool ee Steve Nicol oo aragtidiisa raacsaday ayaa yidhi “Boqolkiiba boqol” isaga oo sheegaya in saadaashu tahay dhinaca kooxdiisii hore.

McBride oo isagu horeba u aaminsanaa in sanadkani yahay kii Liverpool ayaa yidhi “Anigu waxaan qabaa in Liverpool ay ku guuleysanayso si kastaba”.