Saddex Habeen Wax Hurdo Ah Ma Seexan Doono- Xidigii Liverpool Soo Qalbi Jabiyay Ee Milan Pavkov Oo Si Qiiraysan Uga Hadlay Guushii Red Star Ku Hogaamiyay.

Kooxda Red Star Belgrade ee dalka Serbi ka dhisan waxay xalay u ahayd habeen taariikhi ah oo ayna abid ilaawi doonin kadib markii ay si buuxda uga aarsadeen kooxdii ay murugada badan kala soo kulmeen ee Liverpool waxaana geesigii Red Ster ee kulankii xalay noqday Milan Pavkov kaas oo Liverpool isku baray laba gool oo mid ka mid ahi layaab lahaa.

Milan Pavkov ayaa kooxdiisa Red Star siiyay wax ay waligeed u han waynaan karto oo ah in ay qaybtii hore ee kulankii xalay uu laba gool dhaliyay si ay guul taariikhi ah uga gaadhaan Liverpool oo iska lumisay fursad dahabi ahayd oo ay talaabo ugu jirsan kartay wareega 16ka kooxood ee Champions League.

Milan Pavkov ayaa markii ay ciyaartu soo dhamaatay waxa uu la hadlay saxaafada wuxuuna sheegay in xamaasada iyo qiirada ku jirta awgeed aanu awood u yeelan doonin uu laba ama saddex habeen wax hurdo ah seexan karo.

Milan Pavkov oo wax laga waydiiyay dareenkiisa kadib goolashii uu Liverpool ka dhaliyay ayaa yidhi: “Tan waan rajaynayay, waxaan hore u sheegay in aan jeclaa in aan kulanka Liverpool gool ka dhaliyoo isla markaana way rumowday oo xataa waxaan dhaliyay laba gool”.

Intaa kadib Milan Pavkov oo qiiraysan ayaa hurdo la’aanta ku dhici doonta ka hadlay wuxuuna yidhi: “Hurdo miyaa? ma seexan doono. Kulamada horyaalka qaarkood ma seexdo, aan midan u ogolaano. Laga yaabee in ayna noqon labada ama saddexda habeen ee soo socda”.

“Laakiin waxaa waajib igu ah in aan subaxdii seexdo sababtoo ah kulan muhiim ah ayaanu leenahay usbuuc dhamaadka” ayuu Milan Pavkov hadaliisa sii raaciyay.