Sababtee Ayuu Jose Mourinho U yahay Macalinka Ugu Saxan Ee Man Utd Ay Ubaahantahy Waqti Xaadirkan? – Zlatan Ibrahimovic Ayaa Sharaxaya Sababtaasi

Xidigii hore ee kooxaha Juventus,Barcelona,Paris Saint-Germain Manchester United  iyo kooxo kale hadana ka tirsan LA Galaxy Laguna  Naaneyso Halyeeyga Horyaalada ee Zlatan Ibrahimovic  ayaa garab istaag wayn  usameeyay macalin kiisii hore ee Jose Mourinho  sabaab la xirira caadiska saran baryihii lasoo dhaafay

 

Zlatan Ibrahimovic  ayaa  tilamaamay in Mourinho uu yahay  kan ugu saxan ee hogaamin kara Manchester United si kooxda ay meel wanaagsan uga gaarto  uguna guuleysato tartamada kala duwan qeybta ka tahay sida Premier League.

 

United ayaa xili ciyaaredkan ku jirta xaalad aad u adag , kadib marki ay qasaaro la kulmeen sadax ka mid ah  8 kulan ee ilaa hada laga ciyaaray Premier League , waxaana intaasi usii dheer in  laga reebay tartanka Carabao Cup iyagoo qasaaro kala kulmay kooxda heerka labaad ee Derby County.

 

Mourinho waxaa saran caadaadis weyn , waxaaana ay kooxdiisa 5 dhibcood ujirtaa booska 5 aad  xili 7 dhibcood ay u jiraaan  hogaanka horyaalka marka la qoraansado  jadwalka kala sareynta waana hab dhaqan aan u cuntamin maamulka sare ee Man United .

Related image

 

Zlatan Ibrahimovic  ayaa ” waxaan ku fikirirayaa in jose uu awood u leeyahy ku guuleeysiga  [ Premier League]”

“waxaan filayaa in uu yahay hogaamiyaha ugu saxan ee kooxda ay u baahanatahy , waa macalin waaya arag ah oo wax badan kala socda xaaladaha oodhan .

“waxaan dareemayaa in qorsha hiisa uu noqon doono mid guuleeysta  – kani waa  Sanadkiisii 3aad xidigahana waa in ay wax badan ka bartaan isaga si ay u ciyaraan  – haa sidaas ayaan rumeysanahy aniga .”

 

Si kastaba ha ahaatee Zalatan ayaa doorkiisa muujiyay  maadama aya horay xidigo badan u garab is tageen Jose Mourinho , oo ku jira maalmihiisii ugu xumaa ee kooxda Manchester  United .