Sababtan Ayay Jamaahiirta Man United Caawa U Taageeri Doonaan Tottenham Si Ayna Liverpool Ugu Guulaysan Champions League.

Taageerayaasha kooxda Man United ayaan wax badan ka samayn karin finalka UEFA Champions League balse waxa kaliya ee ay awoodaan ayaa ah in ay guryahooda ka taageeri doonaan kooxda Tottenham.

Jamaahiirta Man United ayaan doonayn in ay arkaan Liverpool oo ku guulaysanaysa koobka UEFA Champions League maadaama oo ay ogyihiin in ay abuuri doonto xaalad xun oo kooxdooda Red Devils lagu barbar dhigi doono.

Liverpool waxay haddaba tahay kooxda ugu guulaha badan England ee tartanka Champions League laakiin koobka caawa loogu kala guulaysan karo caasimada Madrid ayaa sabab wayn u noqon doona in guulihii Man United ee Champions League ay ceeb gali doonaan.

SIDOO KALE AKHRISO:  Wixii Uu Ku Soo Dhamaatay Kulankii Maanta Ee Barcelona & PSG Ee Saxiixa Neymar Oo La Ogaaday & PSG Oo Sharuud Hordhigtay Barca

Taageerayaasha Manchester United oo sanadkii hore waqtigan oo kale ku faraxsanaa in Real Madrid ay awooday in ay Liverpool ka hor joogsatay koobka Champions League ayaa xili ciyaareedkan walwal cusub ka qaba in Tottenham ay markeeda joojin kari waydo Reds.

Haddii ay Liverpool ku guulaysato koobka Champions League ee ay caawa kula ciyaari doonto Tottenham, waxaay markii lixaad hanan doontaa UEFA Champions League waana tiro laba jibaar ku noqon doonta koobabka Man United ee UCL.

Manchester United ayaa koobka Champions League ku guulaysatay saddex jeer oo kala ah sanadihii 1968,1999 kii iyo markii ugu danbaysay oo ahayd sanadkii 2008 kii.

SIDOO KALE AKHRISO:  Jawaabta Uu Ka Bixinayo Kaftankii Unai Emery, Xaalada Dhaawac Ee Alisson Becker Iyo Klopp Oo Dood Cajiib Ah Ka Keenay Waqtiga Uu Suuqu Xidhmayo.

Laakiin Liverpool oo caawa u sharaxan koobkeedii lixaad ee Champions League ayaa koobkan soo hanatay sanadihii 1977, 1978, 1981, 1984, 2005 kii waxayna tirsadan ka dhigi karaan 6 jeer oo laba jibaar ku noqon doonta guulaha Man United.

Kooxda Nottingham Forest ayaa laba jeer ku soo gulaysatay Champions League waana kooxda labaad ee Liverpool soo raacda ee Ingiriis ah ee laba jeer oo xidhiidh ah ku soo guulaysatay Champions League.

Liverpool ayaa sanadihii 1977 iyo 1978 kii waxay si xidhiidh ah ugu guulaysatay Champions League halka kooxda Nottingham Forest ay si xidhiidh ah Champions League ugu guulaysatay sanadihii 1979 iyo 1980.

Kooxda Aston Villa ayaa iyaduna haysata koob Champions league laakiin tirada saddexda koob ee Man United oo aan hadda dhibaato badan ku jirin ayaa muuq beeli doonta haddii ay Liverpool markii lixaad ku guulaysato.

SIDOO KALE AKHRISO:  GO'AAN: Lampard Oo Go'aan KHAMAAR Ah Qaadan Kara Kulanka Caawa Ee Liverpool & Xiddig Mudo Dheer Dhaawacnaa Oo Kusoo Bilaabanaya.

Iyada oo jamaahiirta Man United ay xili ciyaareedkan wax walba u sameeyeen in Liverpool ayna ku guulaysan koobka Premier league isla markaana ay xataa kooxdooda ka dalbadeen in ay kulankii Old Trafford ee Man City ay sii dayso, waxay caawa sugayaan waxa ka dhici doona Madrid.