Sababta Ka Dambeysay In Laacibka Reer Brazil Neymar Jr Uu Ka Maqnaado Kulankii Kooxaha Angers Iyo Paris-St Germain Oo Daboolka Laga Qaaday.

Weeraryahanka ree Brazil iyo kooxda Paris-St Germain Neymar da Silva ayaa seegay kulankii 12aad ee horyaalka French Ligue 1 ay kooxdiisa PSG booqatay dhigeeda Angers, kaasoo ugu dambeyn kusoo idlaaday 0-5 ay guul kagala soo laabteen.

Tababaraha ree Spain Unai Emery ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Neymar Jr uu kaga maqnaanayo kulankii ay booqdeen Angers, sababa la xidhiidha dhaawac uu ka qabo dhanka muruqa, sidaas darteed uu door biday inuu nasiino u diro si uusan halis u galin xaaladiisa caafimaad.

Si kastaba ha ahaatee wargeyska ree Spain ee Sports ayaa wuxuu ku dooday in maqnaanshiyaha Neymar Jr kulankii Angers aysan kaliya sabab u aheen dhaawaca  lakiin maqnaanshaha ciyaaryahanka ayaa sababtay awood yarida kooxda ay la ciyaarayeen iyo kasoo qeyb galka jamaahiirta.

Sida ay wararku xaqiijinayaan in Neymar uu kula biiray xulka Brazil xerada tababarka ay isugu diyaarinayaan kulanka saaxiibtimo uu xulka Seleção la ciyaari doono Japan Jimacaha, waxaana shaki ku jira in Neymar uu kulankan qeyb ka noqon doono.

Laakiin Neymar ayaa layaab kaga dhigay cid kasta inuu si buuxda oo wanaagsan uu kaga qeyb galay tababarka xulka Seleção, taasoo ka dhigeysa in hadalkii uu Unai Emery ku sheegay in xidiga ree Brazil dhaawacan yahay aysan waxba ka jirin.

Sidaasi darteed “Sport” ayaa aaminsan in Neymar uusan ku qanacsaneen noloshiisa Paris,  inkastoo heshiiskii uu kaga soo dhaqaaqay Barcelona aysan kasoo wareegan bilooyin, kadib markii heshiiskiisa lagu soo kansalay aduun dhan 222 milyan euros.

Comments

comments