Saameyn Intee La Eeg Ayuu Ka Bixitaanka UK Ee Midawga Yurub Ku Yeelan Doonaa Premier League? Maxaa Ku Dhici Doonaa Ciyaartoyda Sida Paul Pogba ,Eden Hazard & Mohamed Salah?

Qorshaha ay Britain uga baxeyso Midowga Yurub 29ka bisha March ee sannadkan ayaa ah mid isbedelo badan keeni doona, laakiin saameyn intee la eg ayuu ku yeelan doonaa horyaalka Premier League?

Weli ma cada saameynta ay Brexit ku yeelan doonto nolosha maalin laha ah ee shacabka si kastaba siyaasiyiinyta iyo dadka gaara go’aamada isboorti ayaa ka walaacsan saameynta ay keeni karto haddii Britain ay ka baxdo Midowga Yurub.

Kubada cagta inta badan waxa ay ku nooshahay meel ka baxsan cimilada siyaasada sidaasi oo ay tahay markaan kubada cagta xitaa kama badbaadi doonto saameynta Brexit.

Wargeyska The Guardian ayaa daabacay warbixin faahfaahsan oo ay uga hadlayaan saameynta ay Brexit ku yeelan doonto kubada cagta Britain oo ay ku jirto Premier League oo ah horyaalka loogu suuqgeynta badan yahay kubada cagta Yurub.

Kooxaha Ingariiska ayaa inta badan soo xerogeliyo xiddigaha ugu tayada fiican dunida, laakiin marka Brexit ay dhaqangasho 29ka bisha Maarso waxaa hoos u dhacaya tirada xiddigaha ajaaniibta ee ka ciyaarta horyaalka.

Xiriirka kubada cagta Ingariiska ayaa soo jeediyay sharci cusub oo dhigaya in koox walba ay heysato ugu badnaan kaliya 12 ciyaartoy oo ajnabi ah, halka waqtigaan koox walba loo ogol yahay 17 ciyaartoy oo ajnabi ah.

Waxaa jira baahi loo qabo in la kordhiyo ciyaartoyda Ingariiska ee ka ciyaarta Premier League inkastoo xitaa xulkooda qaranka uu gaaray guulahoodii ugu fiicnaa tan iyo 1990 markii ay ka qeyb galeen Koobkii Adduunka ee 2018 iyadoo xiddigo badan oo ajnabi ah ay horyaalka ka ciyaarayaan.

Sannadii 1992, boqolkiiba 70 ciyaartoyda ka ciyaareysa Premier League waxa ay ahaayeen British ama kuwa ku koray Britain, halka sannadkan 2019 ay tiradaas hoos ugu dhacday boqolkiiba 33.

Waxaa iyadana jirta walaac laga qabo ciyaartoyda haatan ka ciyaareysa horyaalka, laakiin waxaa jiri doona sharciyo lagu ilaalinayo ciyaartoyda la midka ah Paul Pogba kaasoo Man United u saxiixay markii uu 16 sanno jir ahaa.

Ciyaartoyda looma arkayo ajnabi haddii ay koox British ah u ciyaareen ama tababar la qaateen seddex xilli ciyaareed ka hor inta aysan noqonin 21 jir.

Dadka maamula horyaalka Premier League ayaan ku faraxsaneyn isbedelada soo socda gaar ahaan marka loo eego lacagtii ay sameeyeen xilli ciyaareedkii 2016-17 oo ay soo gashay 5 bilyan euro.

Brexit waxa ay sidoo kale adkeyn doontaa in lala soo saxiixdo ciyaartoy ajnabi ah, waxaana ay taas bedelkeeda hoos u dhigi doontaa qiimaha horyaalka.

Tusaale ahaan, xiisaha Tottenham looga hayo dalka South Korea hoos ayuu u dhici lahaa haddii uusan Son Heyng-min uusan kooxda joogi laheyn, waxaana ay taasi hoos u dhigi lahayd daawashada horyaalka ee gobolkaas.

Iyadoo aysan weli cadeyn haddii kooxaha lagu qasbi doono inay iibiyaan ciyaartoyda aan ku soo bixin sharciyada cusub, hadana suuqii kala iibsiga bisha Janaayo kooxaha ayaa ahaa kuwa aan lacag badan ku qarashgareynin ciyaartoyda ay u arkayeen inaysan muddo dheer ka ciyaari karin Premier League.