Saamaynta Zidane! Marcelo Oo Ismuujiyay, Keylor Navas Oo Nafsi Maalkii Helay, Xili Gareth Bale & Isco Ay Dhoosha Ka Qosleen.

Zinedine Zidane ayaa guul muhiim ah ku furtay waayihiisa labaad ee tababaranimo ee Real Madrid kadib markii ay Los Blancos guul 2-0 ah ay Bernabeu kaga gaadhay kooxda Celta Vigo laakiin waxay guushani si gaar ah ugu dhadhantay dhawr ciyaartoy oo xaalad xun ku soo jiray.

Zidane ayaa go’aan ku gaadhay in uu isbadal ku sameeyo shaxdii uu Santiago Solari inta badan ku soo shaqayn jiray, waxaana xidigaha fursada fiican helay ka mid ahaa goolhaye Keylor Navas oo xili ciyaareedkan kaydka Bernabeu ay dhaxantu ku soo dishay si la mid ah Gareth Bale, Isco iyo Marcelo.

Marcelo iyo Isco waxaa loo arkayay kuwo ay waayahoodii ciyaareed ee Real Madrid soo dhamaadeen laakiin hal kulan oo ay ka hoos shaqeeyeen Zidane waxay la soo baxeen ruux iyo kalsooni cusub iyaga oo dib u xusuustay waayihii fiicnaa ee ay ku soo qaateen Bernabeu.

Aan ku bilawnee Marcelo ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed uu ku mutaystay in xidigii garoonka ugu fiicnaa lagu sifeeyay kadib markii uu wax badan ka badalay qaab ciyaareedkii musiibada ahaa ee uu xili ciyaareedkan kaga soo jiray Madrid.

Marceloo ayaa hal gool caawiye ka noqday, waxa uu sameeyay 3 gambis, waxa uu bixiyay 2 kubbadood oo muhiim ah wuxuuna hal mar toogtay goolka, waxayna xogtani muujinaysaa in uu si deg deg ah xaaladii xumayd uga soo dhex baxay.

Goolhaye Keylor Navas oo markasta haystay taageerada Zidane ayaa arkay isaga oo goolka lagu soo bilaabay kulankii Celta Vigo wuxuuna kaga jawaabay in uu shabaqa nadiif ah garoonka kala baxay taas oo inta badan xili ciyaareedkan ku soo adkayd goolhaye Courtois.

Saamaynta Zidane intaas kuma koobna ee waxa uu kalsoonidii u soo celiyay Isco oo xataa gaadhay in uu buska Real Madrid ka hadhay kuankii Ajax isla markaana ganaax iyo anshax marin lagu sameeyay wuxuuna Isco ugu danbayn helay fursad uu Madrid ugu ciyaari karo isaga oo waliba gool ugu abaal guday Zidane.

Gareth Bale oo ka mid ahaa ciyaartoyda aan xili ciyaareedkan waqtiga fiican ku soo qaadan Madrid ee uu Vinicius Jr inta badan booskiisa soo haystay ayaa isna gool ka dhaliyay kulankii Celta Vigo.

Si kastaba ha ahaatee, saamaynta Zidane ayaa farxad galisay afartan xidiga ee Isco, Bale, Navas iyo Marcelo kuwaas oo noqday xidigaha ugu saamaynta badnaa kulankii Celta Vigo ee uu Zidane ku furtay waayihiisa labaad ee Bernabeu.