Saamaynta Pogba – SHAN Ciyaartoy Oo Juventus Ah Oo Seeftu Qaadi Doonto & Paul Pogba Oo Sabab U Ah.

Kooxda Juventus ayaa isku diyaarinaysa inay dib ula soo saxeexato khadkeedii dhexe ee Paul Pogba balse kooxda kusoo guuleysatay Serie A ayaa u baahan doonta inay marka hore iibiso shan xiddig oo kooxdeeda ah.

Pogba ayaa u muuqda mid haya wadadii uu kaga bixi lahaa Old Trafford waxaana uu ka cadhaysan yahay qaabkii ay ula dhaqmeen jamaahiirta kooxdiisu kulankii ugu dambeeyay ee Premier League waxaana u furan ku laabashada Talyaaniga.

Pogba ayaa ah mid si joogto ah u booqda magaalada Turin isla markaana xataa halkaas tagay si uu uga qayb qaato xafladii dabaaldega ee Boanconeri sida uu sheegay wargeyska Corriere dello Sport.

Si kastaba, Man United ayaa aaminsanayd in Pogba uu xilli ciyaareedka soo socda kooxdeeda baaqi kusii ahaan doono.

Sidoo kale Sportsmail ayaa shaaca ka qaaday in agaasimayaasha sarre ee Man United ay qabaan in Juventus aysan haysan lacagaha ay heshiiska Pogba ku dhammaystirayso taasna ay u fududayn doonto inay la xaajoodaan mustaqbalka.

Agaasimaha ciyaaraha ee Juventus Fabio Paratici  ayaa sheegay inuu tababaraha cusub ee ay kooxdu yeelan doonto oo aan wali caddayn uu kala xaajoon doono soo laabashada Pogba.

Juventus ayaa la filayaa inay kooxdeeda ka fasaxdo shanta xiddig ee kala ah Joao Cancelo, Douglas Costa, Juan Cuadrado, Mario Mandzukic and Mattia Perin si ay uga samayso lacago ku dhawaad 100 Milyan ah una awoodo soo xero galinta Pogba.

89 Milyan ayay ahayd lacagtii ay Manchester United ka bixisay saxeexa Pogba balse Juventus ayaa u baahan doonta bixinta lacago intaas ka badan maadaama oo xaalada suuqa kala iibsigu in badan is bedeshay.