Saamaynta Lampard – Kooxda Da’yarta U Badan Ee Chelsea Ee Frank Lampard Oo Samaysay Xog Ay TOBBAN Sano Kahor Ugu Dambaysay Kooxdooda.

Kooxda uu hoggaanka u yahay tababare Frank Lampard ee Chelsea oo safkeeda haatani uu da’yar u badan yahay ayay xiddigaheedu xilli ciyaareedkan soo sameeyeen xog ay tobban sano kahor ugu dambaysay kooxdooda.

Chelsea ayaa xilli ciyaareedkan ku bilaabatay qaab argagax leh kaddib guuldarro 4-0 ah oo kaga timid Manchester United iyo bar-bardhac ay Leicester City kula soo gashay Stamford Bridge.

Mudooyinkii ugu dambeeyay iyadoo ay xiddigo badani dhaawac uga soo kabteen ayay Blues u muuqdaan kuwo jaanta saaray wadada guulaha iyagoo aan kaliya guulo gaadhayn balse sidoo kale hanaan ciyaareed oo lagu raaxaysto muujinaya.

Si kastaba, Rekoodhka haatan ay sameeyeen safka Chelsea ee wakhti xaadirkani ayaa ah inay saddexdii kulan ee ugu dambeeyay ee ay marti noqdeen soo dhalinayeen saddex gool iyo wax ka badan taas oo caddayn u ah wanaaga weerarka Chelsea.

Blues ayaa ugu horreynba 3-2 kusoo garaacay kooxda heerka labaad kasoo dalacday ee Norwich City kahor intii aysan 5-2 kaga soo adkaanin Wolves, Intaa waxa dheeer inay toddobaadkan 4-1 kaga soo guuleysteen kooxda Southampton.

Ugu dambayn, Chelsea oo haatan booska shanaad ee kala sarreynta horyaalka fadhida dhibcana la wadaagta kooxda booska afraad ee Leicester City ayaa kulanka soo socda kaddib fasaxa qaramada soo dhawayn doonta Newcastle United.