Saadaashii Ugu Dambaysay – Kooxda Ugu Dambayn Hanan Doonta Koobka Premier League Oo La Saadaaliyay, Liverpool Mise Man City?

Il wareedka lagu magacaabo “FiveThirtyEight” ayaa bixiyay saadaashiisa ugu dambaysa ee uu ku tilmaamayo kooxda ugu dambayn hantiyi doonta horyaalka Premier League oo xili ciyaareedkan oo dhan soo ahaa loolan laba farasle ah.

Manchester City ayaa ilaa haatan eryanaysa Liverpool oo laba dhibcood kaga haysa hoggaanka horyaalka wallow ay kooxda tababare Pep Guardiola gacanta ku haysato kulan baaqi ah oo ay habeen dambe ciyaari doonto.

Kulankaas ayaa ah midka habeen dambe ee Manchester Derby markaas oo ay Sky Blues booqan doonaan dhigooda Manchester United kulan xiiso badan oo la filayo in saamayn balaadhan ku yeesho go’aaminta kama dambaysta ah ee horyaalka.

Kulankaas ayaa noqon doona mid ay City baadigoobayso guul kaliya si ay talaabo weyn hore ugu qaado hanashada horyaaalka halka kooxda tababare Ole Gunnar Solskjaer ay filanayso inay natiijo hesho si ay boos fiican ugu joogsato loolanka kaalmaha saddexaad iyo afraad.

Haddaba, “FiveThirtyEight” ayaa aaminsan in kooxda tababare Guardiola ee City ay tahay mida hananaysa ugu dambayn horyaalka waxaana uu saadaal niyad jab weyn leh siiyay Reds oo baadigoobaya horyaalka markii ugu horreysay mudo 29 sano ah.

“FiveThirtyEight” ayaa Manchester City siiyay 57% boqoleyda ah inay ugu guulaysan karaan horyaalka halka uu Liverpool u gartay 43% ka kale ee soo hadhay.

Liverpool ayay u hadheen saddexda kulan ee kala ah Huddersfield, Newcastle United iyo Wolves halka ay Manchester City haysato afarta kulan ee kala ah Man United, Burnley, Leicester City iyo Brighton.

4 Comments

  1. pro wxani wa benale manu ahyn ki llhha juve iyo barrca ayafinalka chamionka izugu imnyza juvena lagu rebay warega 8 Hmmm funny wlhii

Comments are closed.