Saadaashii Neymar Jr Uu Ku Qiimeeyay Kooxaha Waa Wayn Ee Premier League Iyo Sidii Uu Liverpool Ugu Qaldamay.

Markii ay Liverpool iyo PSG isku diyaarinayeen kulankoodii Anfield ee heerkii groupyada Champions League, Neymar Jr ayaa ka cadhaysiiyay jamaahiirta Reds.

Neymar Jr ayaa markaas saadaaliyay afarta kooxood ee uu filayay in ay kaalmaha sare ee Premier league ku dhamaysanayaan wuxuuna afarta sare ka saaray Arsenal iyo Liverpool.

Waqtiga uu xidiga kooxda Paris Saint-Germain ee Neyar Jr saadaashan bixinayay waxay ahayd September 2018 markaas oo bishii labaad ee xili ciyaareedka oo kaliya lagu jiray.

Neymar Jr ayaa markaas saadaaliyay in Man City ay koobka ku guulaysanayso halka kaalinta labaad uu u saadaaliyay Man United oo hadda kaalinta lixaad ku dhamaysatay.

Neymar ayaa waqtigaas Chelsea u saadaaliyay isla kaalinta saddexaad ee ay ku dhamaysatay wuxuuna sidoo kale saxay in Tottenham uu kaalinta afraad ugu saadaaliyay balse halka arin uu sida wayn u qalday ayaa noqday halka ay Liverpool gashay.

Horaantii xili ciyaareedkan mar uu Neymar Jr ka jawaabayay su’aalo laga waydiiyay kaalmaha ay lixda kooxood ee waa wayn ee Premier league ku dhamaysan kareen ayuu u muuqday mid markaas yaraystay Liverpool.

Hadalkii uu Neymar Jr saadaasha ku bixiyay ayaa ahaa: “Aad ayay u adag tahay, aad ayay u adag tahay, laakiin Mnachester City ayaa ku guulaysan doonta. Labaad waxaa gali doonta United, saddexaad Chelsea iyo afraad oo Tottenham ah”.

Laakiin Neymar Jr ayaa markaas saadaaliyay in Liverpool iyo Arsenal ay seegayeen afarta sare balse waxa uu ku guulaystay in uu saxay afar ka mid ah saadaashii uu lixda kooxood ee waa wayn ee Premier League uu ku sameeyay.

Laakiin markii uu Neymar Jr saadaashan bixiyay ee ay Liverpool ka cadhootay waxay kaga jawaabeen in ay kooxdiisa PSG guuldaro ku badeen Anfield kulankii hore ee Champions league halka PSG ay kulakii Paris aarsatay.

Liverpool ayaa hal dhibic ku seegtay koobka Premier league iyada oo noqotay kooxdii abid dhibcaha ugu badan kaalinta labaad ku gashay halka ay sugyaan in ay ciyaaraan finalka Champions League.