Saadaasha Khabiir Paul Merson Ee Kulamada Premier League Toddobaadka 13-aad, City Iyo Liverpool Oo Uu Kala Reebay & Aragtidiisa Kulanka Tottenham v Chelsea.

Khabiirka kubadda cagta England gaar ahaan kanaalka Sky Sports ee Paul Merson ayaa kusoo laabtay saadaashiisa toddobaadlaha ah kaddib toddobaad lagu nastay kubadda cagta heerka qaramada, Paul ayaa kooxo waaweyn guul u diiday toddobaadkan.

Merson ayaa toddobaadkan saadaashiisa ka dhiibtay tobanka kulan ee PL oo ay kamid yihiin kulanka muhiimka ah ee London Derby ee dhex mari doona kooxaha Tottenham iyo Chelsea iyo waliba kulanka Vicarage Stadium ee Watford iyo Liverpool.

Aan ku bilawnee, Merson ayaa guul siiyay kooxdiisii hore ee Arsenal oo toddobaadkan booqanaysa kooxda qudheedu bandhiga wanaagsan muujinaysa ee Bournemouth waxaana uu qabaa in Emery uu soo gaadhi doono guul uu ku rafaado.

Sidoo kale, Merson waxa uu toddobaadkan ka farxiyay Jose Mourinho iyo kooxdiisa Manchester United wuxuuna u rajeeyay inay guul ka gaadhaan kooxda dhibaataysan ee Crystal Palace.

Paul ayaa markan ku adkeeyay kooxda Jurgen Klopp isaga oo aaminsan inaysan guul kala iman doonin Watford oo xilli ciyaareedkii horeba ay bar-bardhac kala soo kulmeen waxaana uu u saadaaliyay natiijo bar-bardhac ah.

Haddiiba ay rumawdo saadaasha Merson waxa uu kala reebay kooxaha tartanka ugu badan ku jira ee City iyo Liverpool maadaama oo uu guul weyn siiyay Sky Blues oo marti u noqon doona West Ham United.

Ugu dambayn, Paul ayaa aamisan in kooxaha ree London ee Tottenham iyo Chelsea ay dhibcaha ku qaybsan doonaan Wembley Stadium waana natiijo kale oo farxad u ah Man City maadaama oo labadan kooxood ay dhibco kale lumin doonaan waaba haddii ay saadaashu rumawdo.

Halkan kaga boggo kulamada tobanka ah ee PL toddobaadka 13-aad iyo saadaasha Merson.

Wolves 3-0 Huddersfeild

Burnley 1-1 Newcastle United

West Ham United 1-3 Manchester City

Brighton 2-1 Leicester City

Everton 2-0 Cardiff City

Bournemouth 2-3 Arsenal

Fulham 1-2 Southampton

Manchester United 2-0 Crystal Palace

Watford 2-2 Liverpool

Tottenham 1-1 Chelsea