Saadaasha Khabiirka Sky Sports Ee Paul Merson Ee Kulamada 16-Aad Ee Premier league-Muxuu Ku Saadaaliyay Kulanka La Wada Sugayo Ee Chelsea Vs Man City?

Khabiirka Sky Sports ee Paul Merson ayaa markale ku soo laabtay saaxada saadaasha kulamada Premier League ee uu xili ciyaareedka oo dhan saadaaliyo wuxuuna qalinka iyo waraaqda u qaatay natiijooyinka laga filan karo dhamaan 10 ka kulan ee ay ciyaari doonaan 20 ka kooxood ee Premier league

Pual Merson ayaa magaca “Ninka layaabka leh’ kula baxay saadaasha kulamada Premier league isaga oo marar badan looga bartay in uu si layaableh u saxo natiijooyinka kulamada isla markaana uu waqti dheer soo joogteeyay sadaaalinta kulamada Premier League.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa saadaasha Pual Merson ee kulamada 16 aad ee Premier league qaabka uu aaminsan yahay in natiijooyinka kulamadani ay noqon doonaan. Haddaba halkan kaga bogo saadaasha Merson ee kulamada 16-aad oo la ciyaari doono sabtida, axada iyo insiinta.

Pual Merson ayaa saadaashiisa kulamada 16 aad ee Premier league ku bilaabay kulanka Liverpool ay booqan doonto Bournemouth wuxuuna saadaaliyay in Liverpool ay guul 3-1 ah ka soo gaadhi doonto isla markaana ay sii wadan doonto rekoodhka guuldaro la’aanta ee ay xili ciyaareedkan ku soo jirtay.

Dhinaca kale khabiirka Sky Sports ee Paul Merson ayaa kooxdiisii hore ee Arsenal u saadaaliyay guul raaxo leh isaga oo sheegay in ay 3-0 ku garaaci doonto kooxda Huddersfield wuxuuna aaminsan yahay in kooxda Unai Emery ay kulankii 21 aad oo xidhiidh ah ee tartamada oo dhan guuldaro la’aan ku sii jiri doonto.

Pual Merson ayaa ka farxiyay jamaahiirta kooxda Manchester United ee guul la’aanta ku soo jiray saddexdii kulan ee Premier league ugu danbeeyay wuxuuna sheegay in kooxda Mourinho ay 2-0 ku garaaci doonto kooxda heerka labaad ka baxsanaysa ee Fulham.

Pual Merson ayaa saadaashiisa kulamada 16 aad ee Premier League ugu danbaysiiyay kulanka sida wayn aduunka oo dhan looga sugayo ee Chelsea iyo Manchester City. Merson ayaa aaminsan in Man City ay guuldarado kale badi doonto kooxda Sarri ee Blues.

Kadib guuldaradii ka soo gaadhay Wolves iyo waliba tii ka sii horaysay ee Tottenham, Pual Merson ayaa saadaaliyay in guuldaro kale oo 2-1 ahi ay Chelsea ka soo gaadhi doonto Man City taas oo haddii ay dhacdo dhibaato ku noqon doonta Chelsea.

Haddaba Halkan Si Buuxdaga ugaga Bogo Saadaasha Pual Merson ee Kulamada 16 aad Ee Premier league:

Bournemouth 1-3 Liverpool

Newcastle 2-2 Wolves

Everton 2-1 Watford

Arsenal  3-0 Huddersfield

Burnley 1-1 Brighton

Cardiff 2-0 Southampton

Man United 2-0  Fulham

West Ham 2-0 Crystal Palace

Chelsea 1-2 Man City

Haddaba akhriste, waxaa la soo gaadhay waqtigii aad naftaada barbar dhigi lahayd saadasaha Pual Merson ee aad saadaalin lahayd kulamada 16 aad ee Premier League. Miyaad filayaysaa in saadaasha Merson ay si buuxda uga turjumayso waxa laga filan karo kooxaha kulamaan ciyaaraya?