Saadaasha Khabiirka Sky Sports Charlie Nicholas Ee Kulamada Champions League Ee Caawa Iyo Habeen Danbe La Ciyaarayo

Champions League ayaa dib ugu soo laabanaya shaashadaheena caawa iyadoo kulamo xiiso leh la ciyaari doono wareega 16ka ee Champions League.

Afar kulan oo ka mid ah wareega 16ka ayaa la dheeli doonaa caawa iyo habeen danbe halka afarta kulan kale la ciyaari doono isbuuca danbe.

Caawa waxaa garoonka Old Trafford isku arkaya kooxaha Manchester United iyo Paris Saint-Germain, waxaana khabiirka Sky Sports Charlie Nicholas uu sheegay in markii isku aadka la sameynayay uu u janjeeray dhanka PSG balse haatan ay xaalada sidaasi ka duwan tahay madaama Ole Gunnar Solskjaer uu hogaaminayo Red Devils.

Charlie Nicholas ayaa saadaaliyay in kulanka caawa Old Trafford ka dhacaya inuu ku dhamaan doono barbaro 2-2 ah.

Isla caawa waxaa garoonka Olympic Stadium ku ciyaari doona kooxaha AS Roma iyo FC Porto, waxaana uu Charlie Nicholas saadaaliyay in Roma ay 3-0 ku garaaci doonto kooxda reer Portugal.

Habeen danbe kulan adag ayaa waxa uu Wembley Stadium ku dhexmari doonaa kooxaha Tottenham iyo Borussia Dortmund, waxaana uu Nicholas saadaaliyay in ciyaartaan ay ku soo dhamaan doonto barbaro 1-1 ah.

Isla habeen danbe kooxda difaacaneysa koobka ee Real Madrid waxa ay u safreysaa AJax, waxaan auu Charlie Nicholas saadaaliyay in Los Blancos ay 3-2 kaga badin doonto kooxda reer Holland.

SAADAASHA CHARLIE NICHOLAS:

Kulmada Champions League Ee Caawa:

Man United 2-2 PSG

AS Roma 3-0 FC Porto

Kulamada Arbacada:

Tottenham 1-1 Dortmund

AJax 2-3 Real Madrid