Saadaasha Khabiirka Ciyaaraha, Mark Lawrenson Ee Kulamada 15aad Horyaalka Premier League Ee Salaasada, Arbacada Iyo Khamiista

Advertisements

Horyaalka Premier League ayaa galay bisha ay kulamada ugu badan dhacaan, waxaana markii labaad toddobaadkan gudihiisa ay kooxuhu yeelan doonaan kulamo muhiim ah.

Liverpool oo hoggaanka haysa ayaa waxay mari doontaa imtixaan adag oo ay u baahan tahay inay ka gudubto, iyadoo foodda daraysa kooxda cadaawadda weyn ka dhaxayso ee Everton oo xili ciyaareedkii hore u dhigtay taakadii ay Manchester City ka faa’iidaysatay.

Kulanka kale ee xiisaha leh waxa uu dhex mari doonaa Manchester United iyo Tottenham, waxaana dib ugu laabanaya garoonka Old Trafford tababare Jose Mourinho oo xili ciyaareedkii hore laga caydhiyey halkaas balse markan doonaya inuu qalbiga kasoo jabiyo jamaahiirta uu farxaddooda ku dedaali jiray ee Red Devils.

Kooxda ay ka jajaban tahay beryahan ee Manchester City ayaa safar ugu tegaysa Burnley, waxaana Pep Guardiola uu macasalaamayn doonaa horyaalka haddii uu guul kala soo laaban waayo Turf Moor.

Advertisements

Macallinka ku-meelgaadhka ah ee Arsenal, Freddie Ljungberg ayaa kulankiisii ugu horreeyey ku ciyaaraya Emirates, waxaana sugaysa qiimayn adag marka uu soo dhoweeyo Brighton.

Chelsea oo guul-darro xanuun badan la kulantay Sabtidii ayaa rajaynaysa inay hesho guul ay ku xaqiijisato in aanay ka bixin tartanka horyaalka.

Khabiirka ciyaaraha Mark Lawrenson oo kulamadan saadaaliyey ayaa waxa uu aaminsan yahay inay jirto arrin cabsi gelinaysa taageereyaasha Liverpool.

“Jadwalkani waxa uu cabsi ku abuurayaa taageereyaasha Liverpool. Way ogyihiin inay halis tahay, sababtoo ah Everton waxay kordhin doontaa ciyaarteeda.” Ayuu yidhi Mark Lawrenson.

Khabiirku waxa uu sheegay in inkasta oo ay walaacsan yihiin jamaahiirta Liverpool ay haddana kooxdoodu sii wadi doonto guulaha xidhiidhka ah.

Mark Lawrenson waxa uu guul u saadaaliyey Manchester City, sidoo kalena waxa uu farxad ugu bushaareeyey Chelsea, Leicester City iyo Arsenal, laakiin Manchester United ayuu u sii sheegay inay niyadda sii gashadaan guul-darro kale oo xanuun badan oo sababi karta in shaqada laga caydhiyo Ole Gunnar Solskjaer.

Saadaasha khabiirka oo dhamaystiran:

Kulamada Salaasada:

Crystal Palace 1-1 Bournemouth

Burnley 0-2 Manchester City

Kulamada Arbacada

Chelsea 2-0 Aston Villa

Leicester City 2-0 Watford

Manchester United 0-2 Tottenham

Southampton 1-1 Norwich

Wolves 2-0 West Ham

Liverpool 2-0 Everton

Kulamada Khamiista

Sheffield United 2-1 Newcastle

Arsenal 2-0 Brighton

Advertisements