Saadaasha Khabiir Paul Merson Ee Kulamada Toddobaadka 5-aad Ee Horyaalka Premier League – Muxuu Ku Saadaaliyay Kulanka Holaca Ah Ee Wembley Stadium.

Khabiirka Sky Sports ee Paul Merson ayaa sidii caadada ahayd markale saadaaliyay kulamada horyaalka Premier League ee toddobaadkan oo ah toddobaadkii saddexaad ee xilli ciyaareedka 2018-2019, Merson ayaa saadaaliyay dhammaan tobanka kulan Premier League ee toddobaadkan oo uu ugu xiiso badan yahay midka Wembley Stadium ee u dhaxeeya kooxahaTottenham iyo Liverpool.

Manchester United oo wakhti xun ku jirta kaddib laba guuldarro oo ay ka heshay afar kulan ayaa booqanaysa kooxda la celin la’yahay ee Watford oo xilli ciyaareedkan qaab cajiib ah ku bilaabatay kaddib markii ay guulo gaadheen dhammaanba afartii kulan ee ay ka ciyaareen horyaalka.

Kooxda Bournemouth ayaa garoonkeeda kusoo dhawayn doonta dhigeeda Leicester City kulan xiisihiisa yeelan doona, Foxes ayay farxad weyn u tahay inay kulankan dib u heli doonto weeraryahanka kooxdeeda ee Jamie Vardy kaas oo ganaax ku seegay saddex kulan kaddib kaadh casaan ah oo uu qaatay, Mesron ayaana kulankan saadaaliyay in uu ku dhammaan doono bareejo 2-2 ah.

Kooxda tababare Maurizio Sarri ee Chelsea oo soo guulaysatay dhammaanba afartii kulan ee ay ilaa haatan ciyaartay ayuu Mr Merson siiyay guul weyn isaga oo qaba in Blues ay xaaqi doonto kooxda horyaalka ku cusub ee Cardiff, Khabiirka ayaana kulankan guul 4-0 ah siiyay Chelsea.

Dhinaca kale kooxda Huddersfield ayaa garoonkeeda ku qaabili doonta kooxda tababare Roy Hodgson ee Crystal Palace, Merson ayaa aaminsan in kulankani uu mid badhaadho ah u noqon doono kooxda ree London ee Palace oo uu u saadaaliyay guul 0-2 ah.

Kooxda tababare Pep Guardiola oo labadii toddobaad ee ugu dambeeyay hakis yar gashay kaddib guul ay ku rafaaday oo ay ka heshay Newcastle iyo bareejo ay kala kulantay Wolves ayuu Paul u saadaaliyay inay qaabkeedii hore heli doonto oo ay Fulham oo marti u ah 4-0 kaga talaabsan doonto.

Kooxda tababare Unai Emery ee Arsenal ayaa markale bixi doonta kulan ay marti tahay iyaga oo markan Newcastle United kula soo ciyaari doona gegida St’ James Park, Khabiirka ayaa qaba in kulankani uu guushii saddexaad oo xidhiidh ah u noqon doono Gunners oo uu guul 1-2 ah siiyay.

Kulanka Vicarage Stadium ee u dhaxayn doona Watford iyo Manchester United oo la filayo inuu noqon doono kulan si xoogan loogu loolamo saddexda dhibcood ayuu Merson ku saadaaliyay 1-2 uu guul ugu rajeeyay Red Devils iyo tababaraha culaysku saaran yahay ee Jose Mourinho.

Ugu dambayn, Kulanka ugu xiisaha badan toddobaadkan ee Tottenham v Liverpool ayaa ah mid uu khabiirku saadaaliyay inay sii socon doonaan guulaha 100% ah ee Reds ay xilli ciyaareedka ku bilaabatay isaga oo qaba inay 1-2 ku jiidhi doonaan Spurs oo ay marti u yihiin kulanka furitaanka ee toddobaadkan.

Halkan kaga bogo kulamada toddobaadka 5-aad ee Premier League oo dhammaystiran.

Manchester City 4-0 Fulham

Bournemouth 2-2 Leicester City

Everton 1-1 West Ham United

Southampton 2-0 Brighton

Chelsea 4-0 Cardiff

Huddersfield 0-2 Crystal Palace

Newcastle United 1-2 Arsenal

Watford 1-2 Manchester United

Tottenham 1-2 Liverpool

Wolves 2-1 Burnley.