Saadaasha Khabiir Mark Lawrenson Ee Horyaalka Premier League Toddobaadka Shanaad & HAL Koox Oo Weyn Oo Uu Guul U Diiday.

Khabiirka kubadda cagta England gaar ahaan ilwareedka BBC ee Mark Lawrenson ayaa dhiibtay saadaashiisa toddobaadlaha ah ee horyaalka Premier League oo toddobaadkan la ciyaarayo midkiisii shanaad.

Waxa laga soo laabtay hal toddobaad oo kulamo caalami ah la ciyaarayo waxaana ay markale 20-ka kooxood ee PL diyaar u yihiin inay halkooda kasii wadaa dagaalka iyo loolanka xilli ciyaareedkan 2019-20.

Kooxda ilaa haatan hoggaanka haysa kaddib afar kulan ayaa ah Liverpool oo guulo 100% ah soo gaadhay halka Manchester City oo booska labaad fadhidaa ay laba dhibcood ka dambayso.

Kooxaha kale ee waaweyn ayaa dhammaantood xaalado isla hooseeya ku jira toddobaadkana baahiyo waaweyn u qaba inay midkasta saddexda dhibcood ee kulankeeda wada qaadato.

Haddaba, Waxaanu halkan idiinku muujin doonaa aragtida toddobaadka shanaad ee Lawrenson, Kooxaha uu guulaha u rajeeyay, Kuwa uu bar-bardhaca u arko inay galayaan iyo kuwuu guuldarrada dhabarka u saarayba.

Lawro waxa uu guul weyn oo raaxo leh u rajaynayaa kooxda hoggaanka haysa ee Liverpool oo kulanka ugu horreeya toddobaadkan soo dhawayn doonta Newcastle United.

Khabiirka BBC ayaa sidoo kale guulo u rajeeyay kooxaha Manchester United iyo Chelsea oo kulamo holac ah la kala yeelan doona Leicester City iyo Wolves sida ay u kala horreeyaan.

Lawrenson ayaa diiday inuu liiska kooxaha guuleysan doona ka reebo Man City oo booqanaysa Norwich iyo waliba Tottenham oo soo dhawaynaysa Crystal Palace.

Kooxda kaliya ee uu guusha uga dhaartay kooxaha waaweyn ayaa ah Arsenal, Gunners waxay booqanayaan kooxda horyaalka ugu hooseysay ee Watford balse inay dhawaan tababare cusub magacaabeen ayaa ah mid waxkasta lagaga filan karo.

Saadaasha Khabiir Mark Lawrenson Ee Premier League 2019-20 Toddobaadka Shanaad

Kulamada Sabtida

Liverpool 3-0 Newcastle United

Brighton 1-1- Burnley

Man United 2-1 Leicester City

Sheffield United 2-1 Southampton

Tottenham 2-0 Crystal Palace

Wolves 1-2 Chelsea

Norwich 0-2 Man City

Kulamada Axada

Bournemouth 2-1 Everton

Watford 1-1 Arsenal

Kulanka Isniinta

Aston Villa 2-1 West Ham United