Saadaasha Khabiir Charlie Nicholas Ee Toddobaadkan Premier League, Aragtidiisa Kulanka Weyn Ee Man City vs Chelsea & Haddii Uu Jose Mourinho Guul Kusoo Dhaweeyay.

Khabiirka kubadda cagta England gaar ahaan kanaalka Sky Sports ee Charlie Nicholas ayaa dhiibtay aragtidiisa kulamada horyaalka Premier League ee toddobaadkan oo ah midka 13-aad isla markaana xiiso weyn leh.

Kulanka ugu weyn toddobaadkan ayaa ah midka ay kooxda horyaalka difaacanaysa ee Manchester City qaabilayso dhigeeda Chelsea oo haatan hal dhibic ka sarreysa xilli ay xiddigaha Pep Guardiola baahi weyn u qabaan kasoo kabashada guuldarradii Anfield.

Dhinaca kale kulanka ay dunida kubadda cagtu sida gaarka ah u dhugan doonto ayaa isna noqonaya midka Tottenham vs West Ham ee London Stadium, Spurs ayaa ugu dambayn helaysa shacbiyad balaadhan iyadoo kulankii ugu horreeyay uu laylin doono Jose Mourinho.

Aan ku bilawnee khabiir Nicholas waxa uu guul weyn u saadaaliyay Arsenal iyo Unai Emery oo qaabilaysa kooxda booska 19-aad ku jirta ee Southampton isaga oo aaminsan inay xaaqi doonaan Saints.

Advertisements

Sidoo kale aragtida Nicholas waxa ay farxad gelinaysaa hoggaamiyayasha Premier League ee Liverpool oo uu u rajaynayo inay saddexda dhibcood kasoo qaadan doonaan Selhurst Park iyo kooxda Crystal Palace walow ay ciyaartoy muhiim ahi ka maqnaan karaan.

Nicholas ayaa hakad geliyay kooxda booska labaad haatan ku jirta wacdarahana dhigaysa ee Leicester City oo uu qabo inay bar-bardhac kala soo kulmi doonto Brighton.

Khabiirka Charlie waxa uu guul kusoo dhaweeyay Jose Mourinho waxaana uu qabaa in kulanka London Derby ee ay West Ham booqanayaan uu heli doono saddexdiisii dhibcood ee ugu horreeyay ee isaga oo Spurs matalaya.

Khabiirka ayaa toddobaadkan guul u diiday Manchester United oo booqanaysa Bramall Stadium iyo kooxda wacdaraha lasoo dalacday ee Sheffield United isaga oo aaminsan in dhibcaha ay qaybsan doonaan.

Ugu dambayn, Waxa uu kulanka weyn ee City vs Chelsea guusha raaciyay Guardiola iyo Sky Blues isaga oo aaminsan in kulan goolal badan la iska dhalin doono ay guushu ku raaci doonto kooxda martida loo yahay.

Halkan Kaga Boggo Saadaasha Khabiir Charlie Nicholas Ee Toddobaadka 13-aad Oo Dhammaystiran

West Ham United 1-2 Tottenham

Arsenal 4-1 Southampton

Bournemouth 1-2 Wolves

Brighton 2-2 Leicester City

Crystal Palace 1-2 Liverpool

Everton 2-0 Norwich City

Watford 2-1 Burnley

Manchester City 4-2 Chelsea

Sheffield United 1-1 Man United

Aston Villa 2-1 Newcastle United

 

Advertisements