Saadaasha Khabiir Charlie Nicholas Ee Kulamada PL Ee Badhtamaha Toddobaadka – Muxuu Ku Saadaaliyay Kulamada Holaca Ah Ee Man United vs Tottenham & Liverpool vs Everton??

Khabiirka kubadda cagta England gaar ahaan kanaalka Sky Sports ee Charlie Nicholas ayaa dhiibtay saadaashiisa toddobaadlaha ah ee tartanka horyaalka Premier League oo toddobaadkan markale la ciyaarayo badhtamaha usbuuca.

Kulamo kale oo xiiso badan ayaa wadada kusoo jira waxaana toddobaadkan ugu xamaasad badan kulamada Merseyside Derby ee Liverpool soo dhawayn doonto Everton iyo midka ay Manchester United qaabilayso tababaraheedii hore ee Jose Mourinho oo hoggaaminaya Tottenham.

Aan ku bilawno saadaashiisa kulamada kooxaha waaweyni, Charlie waxa uu inay wadada guulaha kusoo laabtaan u rajeeyay Manchester City oo 11 dhibcood ka hoos martay hoggaanka horyaalka caawana booqanaysa Burnley kaddib bar-bardhac ay Newcastle lasoo gashay.

Sidoo kale Charlie Nicholas waxa uu guul u rajeeyay Chelsea oo qudheedu kulanka Aston Villa doonaysa kusoo laabashada wadada guulaha kaddib guuldarro kasoo gaadhay West Ham United Sabtidii.

Advertisements

Nicholas ayaa guul kale u rajeeyay Liverpool isaga oo aaminsan inay si sahlan kaga talaabsan doonaan Everton oo xaalad adag ku jirta oo ay waliba shabaq nadiif ah ku bixi doonaan la’aanta goolhaye Alisson Becker oo kaadh cas loo taagay kulankii u dambeeyay.

Khabiirka Sky ayaa aaminsan in kusoo laabashada Mourinho ee Old Trafford ay noqon doonto kulan aan labada dhinac midna libin gaadhin oo ay bar-bardhac gali doonaan Man United iyo Tottenham.

Ugu dambayn, Waxa uu sidoo kale guushiisii koowaad ee mudo xileedkiisa Arsenal siiyay tababare Fraddie Ljunberg oo uu aaminsan yahay inuu Gunners guul u keeni doono kulanka ay Brighton soo dhawaynayaan.

Halkan Kaga Boggo Dhammaan Saadaasha Nicholas Ee 10-ka Kulan.

Crystal Palace 1-1 Bournemouth

Burnley 1-3 Manchester City

Liverpool 2-0 Everton

Man United 2-2 Tottenham

Chelsea 2-1 Aston Villa

Leicester City 3-0 Watford

Wolves 2-1 West Ham United

Southampton 2-1 Norwich City

Sheffield United 1-1 Newcastle United

Arsenal 3-1 Brighton

Advertisements