SAADAAL: Super Computer Oo Saadaaliyay Kulamada Furitaanka Premier League, Guardiola & City Oo Uu Naxdin Ku DILAY – Muxuu Ku Saadaaliyay Man United vs Chelsea?

Super Computer oo ah koombuyuutar awood ahaan sarreeya isla markaana wax badan awooda ayaa dhiibtay saadaashiisa kulamada toddobaadkan ee Premier League oo ah toddobaadkii furitaanka ee horyaalkaas.

Kulanka koowaad ayaa horeba u qabsoomay kaddib markii ay kooxaha Liverpool iyo Norwich City fooda is dareen xalay kulan ay Reds 4-1 ku guuleysteen.

Kulanka ugu muhiiman toddobaadkan isla markaana ay indhaha caalamku kuwada jeedaan ayaa ah midka ay Man United dhigeeda Chelsea ku qaabili doonto Old Trafford kulanka ugu horreeya ee uu tababare Lampard Premier League ka ciyaaro.

Kulamada kale ee muhiimka ah ayay kamid yihiin midka ay Arsenal oo si fiican suuqa uga adeegatay ay booqan doonto Newcastle United iyo waliba ciyaarta ay Manchester City duhurka maanta la yeelanayso West Ham United.

Kulankii Liverpool ee Norwich ayuu 4-0 ku saadaaliyay waana natiijo sax ah marka laga reebo goolkii Norwich balse sheekada ugu xiisaha badan ayaa ah inuu guul uga dhaartay kooxda horyaalka difaacanasya ee Man City oo uu bar-bardhac u saadaaliyay.

Sidoo kale Super Computer waxa uu guuldarro gadhka u galiyay Unai Emery iyo Arsenal kulanka furitaanka halka uu guul u rajeeyay Tottenham oo soo dhawayn doonta Aston Villa.

Kulanka ugu xiisaha badan ee Red Devils iyo Blues ayuu guul u rajeeyay Manchester United iyo tababare Ole Gunnar Solskjaer isaga oo qaba inay ka talaabsan doonaan Frank Lampard iyo kooxdiisa.

Saadaasha Super Computer Ee Kulanka Furitaanka Premier League 2019-20 Oo Dhammaystiran

Liverpool 4-0 Norwich City

West Ham 0-0 Man City

Watford 0-4 Brighton

Bournemouth 4-1 Sheffield United

Burnley 1-0 Southampton

Crystal Palace 1-2 Everton

Tottenham 2-1 Aston Villa

Leicester 0-1 Wolves

Newcastle 2-1 Arsenal

Manchester United 2-1 Chelsea